Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland USAID delegation arrives in the capital city of hargeysa.

Recommended Posts

Wefti Ka Socda Hay’ada Gargaarka Maraykanka Ee USAID Oo Maanta Dalka Soo Gaadhay.

 

Hargeysa (Ramaas) Dec. 27, 2011- Wefti ka socda hay’ada dalka Maraykanka u qaabilsan gargaarka caalamiga ee USAID , ayaa maanta soo gaadhay Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

 

Xubnaha wefti ayaa galabta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, waxaana horkacaysa ku simaha agaasimaha ee dalka Soomaaliya Miss Hodan Xasan, waxaana ay muddada ay wadanka ku sugan yihiin dalka ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan masuuliyiinta xukuumada Somaliland.

 

Miss Hodan oo shabakeda wararka ee Ramaasnews wax ka waydiisay socdaalka weftiga ee Somaliland, ayaa sheegtay in ay sii xoojinayeen kaalmada uu Maraykanku siiyo Somaliland oo laga maalgeliyo mashaariic ka socota wakhtigan wadanka .

 

“ Waxa aan halkan u imi in aan mashaariic ka fulino Somaliland, hore dhawr mashruuc oo xagga horumarka ayaa dalka ka socday, malaayiin lacag ayaanu Somaliland siinay sannadkan, xukuumada halkan ka talisaa waxa ay u qoondaysay qaybo kala duwan, waxaan kuu sheegayaa in muddada aan halkan joogno aanu la kulmi doono wasiir door ah, waxa aan kaaga sheegi karaa kulamadan in aanu madaxda ku adkayn doono sidii ay hawlaha dhakhso ugu bilaabi lahaayeen” ayay tidhi Hodan Xasan madaxa hay’ada USAID ee Soomaaliya.

 

Dawlada Maraykanka ayaa sannadkan horaantiisa lacag malaayiin Dollar u ballan qaaday Somaliland, iyada oo lacagtaas lagu fulin doono dhismayaal loo samaynaya wasaarado iyo hay’ada dawli ah, laakiin waxa mashruuca maamuli doono hay’ado la shaqeeyo USAID.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this