Sign in to follow this  
B_A_L_L_E_R_Z

Laascaanood on Hunger Strike

Recommended Posts

maxaabiis.jpg

 

Xabsiga dhex ee magaalada Lascanood ayaa waxaa ku xidhan maxaabiis aad u tiro badan oo laga soo xidhay Magaalada gudaheeda.

 

 

 

Xabsigan oo uu dhisay Gumaysigii Igriiska kadibna ay dayactirtay dowladdii dhex ee Soomaliyaa ayaa maanta ay ku jirtaan kummannaan aan waxba galabsan oo laga soo qabtay Guryahood, Magaalada dhexdeeda iyo maheradohooda iyaga iska shaqaysanaya.

 

 

 

Dadka xidh-xidhan ayaa u badan dad ka soo jeeda gobolka Sool iyo kuwo ka yimid koonfurta Soomaliya, waxaana muuqta in maanta ay joojiyeen cuntadii ay cuni jireen, iyaga meesha ku xidhanyhiin qaarkood labo sanno iyo inkabadan lana keenin wax maxkamad ah iyo CID tuuna, blase oo kaliya lagu soo xidhay waa lagu tuhmay oo ninka lagu dilay magaalada gudaheeda ayaa laguu soo xidhay, ama reer hebil ayaad u xidhantahay ee aniga nooma xidhnid.

 

 

 

Waa masuubi aad xun oo soo food saaray shacab SSC ee iyagu ku sugan magaalada Lascanood xataa aan dagaalami karin maadaama ay isnaceen oo cadowgii ka fa’iidaystay iskuna diray oo yidhi war idinka ayaa la dilli maayo ee iska daayay waxa xidhan iyo waxa la dillayo.

 

 

 

Maxaabiista maanta diiday ayaa waxaa aad looga xumaado ah in beesha caalamka aysan booqan Xabsiga dhex Magaalada iyo Guud ahaan Ciidamada ku hareeraysan Magaaladaas Muddo 4 Sanno ah oo ay xasuuqeen dadkii reer miyiga ahaa iyo waliba boobaan xoolaha nool ee dadkaasi dhaqdaan.

 

 

 

Isku soo wada duub waxaa muuqta in hadii aan degdeg ah aan maxkamad la soo taagaan in dadkan ku xidhan xabsiga Lascanood, inay u dhaanto inay ku dhintaa gudaha xabsiga dhex ee magaalada Lascanood maadaama ay shacabkii reer Laascanood ay daawanayaan waxa ka socda xabsigaas.

 

http://horufadhi.com/2011/12/19/maxaabiista-ku-jirta-jeelka-laascaanood-oo-cuntadii-ka-soontay-ka-dib-silic-lagu-markiyey-halkaas/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this