Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Al shabaab planning attacks on Garowe's Conference

Recommended Posts

Shabaab oo weeraraya Shirka wadatashiga ee Garoowe

 

Muqdisho: (Sh. M. Network) Al Shabaab ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan shirka wadatashiga ah ee lafilayo in uu ka furmo Magaalada Garoowe, iyagoo dhinaca kale shacabka ugu baaqay inay ku gacan siiyaan baabi’inta Xildhibaanada barlamanka KMG Soomaaliya.

 

Xilli la filayo in dhawaan Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulka Puntland uu ka furmo shirka wadatashiga ah oo ay soo qaban qaabisay Qaramada Midoobay ayna ka qeyb galayaan dhinacyada Soomaalida ayaa Al Shabaab waxa ay sheegeen in shirkaasi ay weerar ku qaadi doonaan.

 

Macalin Xaashi oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ee gobolka Sh.hoose ayaa waxaa uu sheegay in deegaanada Maamulka Puntland lagu dhibaateeyo dadka ay ka muuqato sunada, wuxuuna tilmaamay in sidaasi darteen ay weerarayaan shirkaasi oo u sheegay inay isugu tageen dad gaalo ah sida uu hadalka u dhigay.

 

Sarkaalkaani ayaa waxaa uu sheegay in dagaalyahanada taageersan Al Shabaab ee ku sugan deegaanada Puntland ay ka faa’ideystaan fursadda soo martay oo ay ka hortagaan dadka ka qeyb galaya shirka wadatashiga ah ee ka furmaya Magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

 

Dhinca kale Sheekh Max’ed Cumar (Abuu C/raxmaan) oo ah Wakiilka Al Shabaab ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ku gacan siiyaan ciribtirka Xildhibaanada barlamanka oo uu sheegay inay matalaan dad dano gaar ah ka leh Soomaaliya islamarkaana ay dhibaateeyeen shacabka sida uu hadalka u dhigay

 

Abuu C/raxmaan ayaa waxaa uu intaasi ku daray in il gaar ah ay ku hayaan Xildhibaanada barlamanka oo uu horeeyay qilaafka, waxanaa uu dagaalyahanada Al Shabaab ugu baaqay inay ka faa’ideystaan Xildhibaanada is khlaafsan islamarkaana ay bartilmaameedsadaan Xildhibaan kasta oo ka tirsan Barlamanka Soomaaliya.

 

Al Shabaab waa carqaladda kaliya ee hortaagan dowladda KMG, waxaana Madaxda Puntland ay marar badan shaaciyeen in Al Shabaab ay falal ammaan dari ah ka gaysteen deegaanada Maamulka Puntland kuwaasi oo lagu dhibaateeyay dad wax gal u ahaa shacabka reer Puntland iyo Mas’uuliyiinta Maamulkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this