Sign in to follow this  
Dr_Osman

Clan Elders Are On The March To Restore Puntland Stability

Recommended Posts

Dr_Osman   

Garowe(Puntlandi)Sidii loo soo gabagabeeyey kulankii Garowe ku dhexmaray Isimada Puntland iyo Madaxda Dowlad waxaa socda howlgalo ay wadaan isimada Puntland kuwasoo lagu mideynayo beelaha Puntland, kulankii Garowe waxaa lagusoo afjaray Colaadii ka dhalatay Dagaalkii Gaalacyo bishii septembar sanadkan, waxaana la faray isimada inay mideeyaan dhaman Bulshada Puntland.

 

MadkaLabiga oo wax yar u jira Rako oo ka tirsan Gobolka Karkaar ayaa shalay lagusoo gabagabeeyay lagunasoo afjaray Colaadi ka dhalatay dagaalkii dhexmaray labo beelood oo walaalo ah wada dagana Deegaanka.

 

Suldaan Siciid Maxamed Garaase oo ka mid ahaa Isimadii ku howlanaa dhexdehxaadinta iyo dhamaynta Colaadaan ayaa sheegay inay guul ka gaareen, hadana colaadii dhamaatay.

 

dhinaca kale Islaan Bashiir Islaan cabdille ayaa maalmihii lasoo dhaafay socdaal ku joogay degaano ku yaal xadka Itoobiya isagoo kulamo muhiim ah laso qaatay Beelaha deegaanka. kulan balaaran oo ka dhacay Degmada Bookh ayaa la isla meeldhigay Midaynta Beelaha gobolka, iyadoo marka hore Islaanka iyo Isimadu ay diirada saareen inay mideeyaan Beesha uu Islaanka u yahay waana lagu guulaystay.

 

Wuxuu kaloo Islaanku lakulmay beelaha kale ee Gobolka dega waxaana la isla meel dhigay isku duubni iyo in amaanka Puntland meel loogasoo wada jeesto lana difaaco xuduuda Puntland.

 

Ololahaan ay wadaan Isimada Puntlan ayaa ka dhashay kulankii ay isiada Puntland la qaateen Madaxda u saraysa Dowlada.

 

Kulankii uu Madaxweyne Faroole Garowe kula yeeshay Isimada Puntland ee lagusoo af jaray colaadii ka dhalatay dagaalkii gaalkacyo ayaa la isla meel dhigay in Isimadu u guntadaan ka shaqaynta Amaanka iyo Midaynta Shacabka Puntland guud ahaan. ayna isgarab taagaan Dowlada si guul looga gaaro adkaynta amaanka.

 

Galdogob ayaa iyana la filayaa inuu ka dhaco kulan ay isimada Gobolka Mudug leeyaíhiin sida warar aan rasmi ahan aan ku helnay.

 

Waxaa iyanala filayaa in Isimada kasoo jeeda Gobolada sool yo ceyn ay u guntadaan Xalinta khilaafaadka beelaha deegaankaas.

 

Dhinaca kale Qurba joogta Puntland guud ahaan ayaa looga baahan yahay inay midoobaan ayna kawada shaqeeyaan horumarinta Puntland.

 

Puntlandi.com

 

Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

I think this is excellent news and long over-due and Farole should've of done this a long time ago. Hopefully this will keep gagaab and ina sicid samatar not able to manipulate the local people of their clan to cause trouble cause they will all fall under their isimo command!!!

 

Another thing I am suscipicious about is Farole is now dead-serious about stability cause election time is not to far away and he will need to use some sort of card to keep his re-election prospects good which are slim at this stage but then again I personally believe he is going to mogadishu villa somalia next year and i've said this for a number of years

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this