Xaaji Xunjuf Posted December 13, 2011 Beelo dhowaan ku dagaalamay miyiga gobolka Karkaar oo heshiis wada gaarey Wadahadaladii lagu dhex dhexaadinayey Beelihii walaalaha ahaa ee dhowaan ku dagaalamay duleedka degmada Rako-Raaxo ee gobolka Karkaar ayaa gaba gabo ku dhow sida ay Horseed Media u xaqiijiyeen xubno ka tirsan Ergooyin Isimo, Waxgarad, Nabadoono iyo Culimaa’uddiin isugu jira oo dhex dhaaxaadinta labadaas beelood todobaadyadii u danbeeyey ku howlanaa. Gudoomiyaha Nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo isagu qayb ka ah Waxgaradka heshiisiinta labadaas beelood ee walaalaha ah ku jira islamarkaana ah Gudoomiyaha guddiga fulinta ee xubnaha ay Ergada nabadeynta wadaa sida gaarka ah ugu doorteen dhexdhexaadinta labadaas beelood ayaa isaga oo deegaanka Kodmo ee ku yaala bariga degmada Rako ku sugan Horseed Media uga waramay halka ay wax marayaan. Wuxuuna sheegay in lagu guuleystey in is afgarad buuxa ay labada dhinac ka yeeshaan dhibaatooyinkii horay u dhacay isagoo dhinaca kale xusay in Waxgaradka labada beelood shirkaas uga qayb gelayaa ay sidoo kale isku raaceen fulinta heshiis qodobo badan ka kooban kaas oo maalmaha soo socda loo balansan yahay in si rasmi ah loo kala saxiixdo. Nabadoon Xarago ayaa mar Horseed Media ay weydiisey in uu wax ka taabto qodobada heshiiska ay labada dhinac wada gaareeni uu ka kooban yahay wuxuu tilmaamay inay ugu waaweyn yihiin: Kala magashada nafaha dadkii dagaaladaas labada qolo kaga baxay iyada oo lakala qaadanayo diyo aan (mag-dheer) ahayn. In la isu soo celiyo hantida ay labada dhinac intii colaaduhu jireen kala qabsadeen ee gaadiidka iyo agabka kale ka kooban. In deegaanka si nabad ah loo wada daaqo loona wada degenaado islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii nabadda loo xoojin lahaa loogana hortegi lahaa in markale ay dhibaato dhacdo. Iyo in la simo nabarada dadkii dhaawacyadu soo gaareen lana siiyo waxa ay xuquu u leeyihiin. Gudoomiyaha Guddiga fulinta ee Ergada ku jirta dhex dhexaadinta beelihii dhowaaan deegaano ka tirsan gobolka Karkaar ku dagaalamay Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) ayaa ugu danbeyntii sheegay in gebi ahaanba lagu guuleystey in heshiis buuxa labadaas qolo lakala dhex dhigo haseyeeshee keliya ay dhimantahay in la is dhaarsado si rasmi ahna heshiiskaas loo kala saxiixdo arintaas oo lagu wado in ay labada beri ee soo socda gudahooda ku dhacdo. Heshiiksa ay gaareen beelaha Cali Saleebaan iyo Muuse Saleebaan ayaa yimid ka gadaal markii ay mudo dhowr todobaad ka badan soo socdeen dadaalo nabadeed oo ay labadaas qolo ku dhex dhexaadinayeen Ergooyin Isimo, Waxgarad, iyo Culimaa’uddiin isugu jira kuwaas oo intooda badani ay ka tageen gobolada Bari, Nugaal, iyo Karaar iyo deegaano kale oo ka tirsan Puntland. 25-tii bishii lasoo dhaafay ee Nov ayey ahayd markii ay halkaas Ergooyinka nabad raadiska ahi gaareen waxaana goobta ay gogoshu taalo oo ka tirsan deegaanka Miyiga ah ee (Kodmo) lagu magacaabaa (Lebi), 45-km ayeyna qiyaastii dhinaca bari kaga beegan tahay degmada Rako iyadoo sidoo kale 30-km u jirta degmada Xunbeys. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted December 13, 2011 By posting this positive thread about Puntland, Xaaji Xunjuf is reaching to Mr. Somalia with an olive branch Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted December 13, 2011 ^^^war anigu nin nabada ka shaqeyaan ahay markay nabadu dhalato. Quote Share this post Link to post Share on other sites