Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland court fines six Yemeni Illigal Fishermen

Recommended Posts

Maxkamadda Saaxil oo xukuntay kalluumaysato yemaniyiin ah

December 6th, 2011

 

Berbera (Somaliland.Org):-Maxkamada gobolka Saaxil ayaa maanta xukuno kala duwan ku riday lix nin oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay si sharci daro ah uga kaluumaysanayeen biyaha baddaha Somaliland.

 

Nimankan kaluumaysatada ahaa iyo doonyihii ay wateen oo ay dhawaan ciidamada baddaha Somaliland ka soo qabteen deegaanada xeebta bari ee gobolka Saaxil gaar ahaana deegaanada la yidhaahdo Ceeldaarood, ayaa la sheegay in ay si sharci daro ah uga kaluumaysanayeen badaha Somaliland.

 

Maxkamada gobolka Saaxil ayaa nimankaasi ku xukuntay ganaax lacageed oo gaadhaya inta u dhaxaysa Kun ilaa todoba kun oo dollar, waxaanay sidoo kale maxkamadu ciidamada xeebaha iyo difaaca bada ku wareejisay laba doonyood oo ka mid ah afar iyo toban doonyood oo la sheegay in ay si sharci daro ah uga kaluumaysanayeen biyaha bada Somaliland oo iyagana mudo hore ay ciidamadu soo qabteen.

 

Waxaana warku intaasi ku darayaa in labada doonyood ee lagu wareejiyay ciidamada badaha iyo difaaca Somaliland oo ay horaantii bishii hore ciidamadu soo qabteen halka nimankii watay ay baxsadeen, waxaana la sheegay in ay labadaasi doonyood saarnaayeen ilaa saddex kun oo tan oo kaluun ah oo ay nimankii watay doonyahaasi si sharci daro ah uga soo gurteen biyaha badaha Somaliland.

 

Ma ah markii ugu horaysay ee ay maxkamada gobolka Saaxil xukunto kaluumaysato iyo doonyo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaasi oo inta badan ay ciidamada badaha Somaliland ka soo qabtaan iyaga oo si sharci daro ah uga kualuumaysanaya badaha Somaliland, iyada oo ay inta badan ka cawdaan kaluumaysatada reer Somaliland maraakiib iyo doonyo shisheeye oo si sharci daro ah uga kaluumaysta xeebaha Somaliland isla markaana dhibaato u gaysta dadka iyo doonyaha kulluumaysatada Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this