Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland Parliament to get a new contemporary Parliament building

Recommended Posts

Xarun cusub oo loo dhisayo Baarlamaanka Puntland

 

Xarunta Baarlaamaanka Puntland ayaa waxaa ka socda dhisme cusub kaas oo lagu badelayo dhismihii hore ee ay Baarlamaanku ku shiri jireen.

 

Dhismahan ayaa ah mid wax badan ka duwan dhismihii hore ee Hoolka shirarka ee Baarlmaanka Puntland wuxuuna u qaybsan yahay dhowr qaybood kaas oo ah habka loo dhiso xarumaha Baarlamaanada ee Caalamiga ah.

 

Eng. C/raxmaan Salaad C/raxmaan oo kamid ah Engneer-ada dhismahan wada ayaa sheegay in uu yahay mid ka duwan dhismihii hore iyadoo qaabka dhismihiisana ay kawada tashadeen sadex kamid ah Engneer-ada dhismaha ee ugu caansan Puntland, Madaxweynaha, iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

 

Eng C/raxmaan aay isaga oo hadalkiisa sii wata tilaamay in Hoolka dhismahan cusub ee Galaha Baarlamaanka Puntland uu noqon doono mid qaada ku dhawaad 500 oo qof , xafiisyada iyo qaybaha kale ee uu ka koobnaan doonana ay kamid yihiin:

 

Xafiisyada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa.

Hoolka guud ee shirarka Baarlamaanka.

Xafiiska Golaha Wasiirada.

Qaybta Isimada.

Qaybta Saxaafadda.

Qaybta Martida.

Qaybta shaqaalaha.

Qaybta baaritaanada.

Iyo qayb ay hadii barlaamnku u bahdaan ay ku kala shiraan.

 

Cabdiraxmaan Salaad Cabdiraxamaan oo isagu qayb ka ah sadex Engneer oo iyaga loo xil saaray dhismaha cusub ee ay Baarlamaanka Puntland yeelanayaan ayaa ugu danbeyntii sheegay in dhismahani uu socon doono mudo 8-bilood ah laguna rajo weyn yahay in Mudanayaasha Baarlamaanku ay kalfadhigooda soo socda ku shiraan.

 

Si kastaba ha ahaatee dhismahan cusb ee uu yeelanayo Golaha Baarlamaanka Puntland ayaa noqonaya mid aad uga baaxad weyn xarunta ay hada ku shiraan oo ah goob aad u yar aadna ciriiri u ah waxaana marka lasoo gaba gabeeyo uu noqon doonaa dhisme dabola baahiyo badan oo Baarlamaanka Puntland ay qabeen.

 

Maxamed Siciid Yuusuf

 

Wakiilka Horseed Media

 

Garoowe, Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

zPunt.jpg

 

The new Parliament building will be a temporary one which will have offices for ministers, parliamentarians, the press, visitors, traditional elders, employees, security/search offices and a conference room for parliament.

 

This comes after consultations with the three best Puntland Engineers, President Abdirahman and the Speaker of Parliament.

 

It was a couple of months ago when President Abdirahman Faroole laid the foundations for a new Presidential Compound/Palace in the western outskirts of Garowe, that will cost a substantial amount and benefit the next elect President and this Parliament building will be even finished before the sitting/session in 8 months time and election of a new Parliament.

 

Great Progress,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this