Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland VP opens new livestock Export centre+ new airport road PICS AND VIDEO'S

Recommended Posts

M/weyne Ku Xigeenka Oo Xadhiga Ka Jaray Maxjarkii Labaad Ee Shirkada Al-jaabiri Iyo Mashaariic Kale

October 18th, 2011

 

Hargeysa (Somaliland.Org)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane, C/raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhismaha maxjar labaad oo Ganacsadaha Sucuudiyaanka ah ee Saleebaan Al-jaabiri ka hirgelisay magaalada xeebta ah ee Berbera ee gobolka Saaxil.

 

Madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlay furitaankii Maxjarkaasi ayaa soo dhaweeyay maalgelinta uu ganacsadahaasi ku sameeyay dalka waxaanu yidhi “Farxad ayay noo tahay in aanu furno maxjarkii labaad ee shirkadani maalgalisay oo sida noo muuqata runtii waa maxjar balaadhan markaa gacmo wada jira ayay ku gooyaan waxaanay muujinaysaa wax wada qabsiga beesha caalamka iyo dawlada Somaliland, waxaanan diyaar u nahay markasta inaan soo dhaweyno cid kasta oo wax gashanaysa dalkan iyo dadkan faa’iidana isoo kordhinaysa isaguna ka faa’iidaysanaya.”

 

Wasiirka xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in bishan carafo hal dollar laga dhimi doono lacagtii xoolaha laga qaadi jiray, waxaana hadalkiisii kamid ahhaa ahaa “Horta maxjarkan waa maxjar qaranku leeyahay waxaana maamulka shirkada Sucuudi Imaaraat ee maamusha maxjarada Al Jabiri, waxaanu hal dollar ka dhinay qiimihii xoolaha dhoofka laga qaadi jiray bisha Carafo, sanadka cusubna in aanu dib u eegno oo u qiimayno in intaa laga sii badiyo.ayaan rajaynaynaa.”

 

Wakiilka Shirkada Sucuudi Imaaraat ee maamusha maxjarada shirkada Al-jabiri Mr. Xasan Qalaf Xasani ayaa u mahad naqay xukuumada Somaliland iskaashiga iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa waxaanu tilmaamay inay dhiirigeliso mashaariicda ay ka fuliyaan dalka. Wakiilku waxa uu intaasi ku daray in maxjarkani uu faa’iido u yeelan doono wadanka, waxaanu xusay in maxjarkan cusub bedkiisu yahay 3km oo isku wareeg ah.

 

Wakiilku waxa uu sheegay in shirkadiisu ay horumarinta gobolka Saaxil ugu deeqday adduun dhan 70 kun oo Dollar.

 

Sidoo kale waxa uu madaxweyne ku xigeenka xadhiga ka jaray mashaariic kala duwan oo wasaaradda Duulista iyo Hawaddu ka hirgalisay madaarka Berbera iyo jid laami ah oo dhererkiisu yahay 350M, waxaana mashaariicdaasi faahfaahiyay oo ka warbixiyay wasiirka Duulista iyo hawada Md. Maxamuud Xaashi, waxana uu yidhi “Mashaariicdan waa mashaariicdii ay xukuumadani u balan qaaday bulshada Somaliland, gaar ahaan gobolkan Saaxil kuwaasi oo horumarinaya kaabayaasha dhaqaale guud ahaan mashaariicdan waa kow iyo toban mashruuc oo la xidhiidha jidadka iyo casriyaynta madaarka Berbera.”

 

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka waxa uu kormeer ku tagay dekeda caalamiga ah ee Berbera dhismayaasha cusub ee ka socda iyo qaybaha cusub ee lagu kordhiyay waxaanu halkaasi madaxweyne xigeenka warbixin ku siiyay maareeyaha dekeda Berbera Axmed Yuusuf Dirir, waxa kale oo madaxweyne ku xigeenku kormeer ku tagay garoonka kubada cagta ee magaalada Berbera oo dhismihiisu wado dawlada hoose ee Berbera. Maayarka ayaa ka warbixiyay garoonkan magaalada Berbera waxaana uu yidhi “Garoonkan waxa aanu ugu tallo-galnay mid lagu qabto xitaa ciyaaraha Afrika, waxa nashqada ku jira qaybtii VIP-da meeshii diyrayska lagu kala bedelanaaya si dadku aanay isku arag.” Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo wefdigiisu waxa kale oo kormeeray haamaha kaydka shidaalka ee Berbera, waxaanay maantaba ku soo noqdeen Hargeysa.

 

 

madaxweyne-kuxigeenka-mixed.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Furay Maxjar Labaad Oo Shirkada Saleebaan Al-Jabiri Ka Hirgalisay Magaalada Berbera Iyo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Oo Sheegay In Maxjarka Qaranku Leeyahay

 

Berbeara (Ramaas) Oct 18,2011 – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo maanta furay maxjar labaad oo shirkadda ganacsadaha reer Sucuudi Arabiya ee Saleebaan Al-jabiri uu ka hirgaliyey Magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

 

Madaxwaynaha Somaliland oo Magaalada Berbera ku tagay diyaar khaas ah oo loogu tallo-galay wakiilka shirkada Saleebaan Al-jabiri oo magaciisu yahay Xasan Khalaf Al-Xasani ayaa waxa sidoo kale wehelinayey wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir iyo wasiirka wasaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Md Maxamuud Xaashi Cabdi.

 

Wakiilka shirkadda Al-jaabiri Xasan khlaf oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay Somaliland ka hirgaliyaan maxjar labaad oo lagu caafmaadiyo xoolaha u dhoofaya wadanka Sucuudiga iyo guud ahaan wadamada Khaliijka Carabta.

 

Wakiilku waxa uu sheegay in dhismaha Maxjarkani ay ku baxday lacag badan, balse uu faa’iido badan u leeyahay xoolaha Somaliland ee u dhoofaya dalka dibadiisa, ujeedada ay u sameeyeena ay tahay inay kordhiyaan xoolaha ay Somaliland ka qaataan.

 

Wasiirka wasaarada xanaanada xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali oo isna munaasibada xadhiga lagaga jaray ka hadlay ayaa sheegay in Maxjarkani uu yahay mid Somaliland leedahay balse ay maamulkiisa ay gacanta ku hayso shirkada Al-jabiri, mar kasta oo heshiiska dawladu la gashay shirkadu dhammaadana dawlada ayaa la wareegaysa, iyadda oo wasaarada xanaanada xooluhu dalka uga wakiil tahay.” Ayuu yidhi wasiirka wasaarada xanaanda xoolaha Somaliland Dr Cabdi Aw Daahir Cali.

 

Madaxwaynaha ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay inay xukuumad ahaan iyo shacab ahaanba soo dhaweynayaan maxjarkan labaad ee shirkada Al-jabiri ka hirgalisay Magaalada Berbera, isaga oo tilmaamay in maalgashigu Somaliland iyo maalgashadayaashaba dani ugu jirto “Anaga farxad ayay noo tahay, waanuna soo dhawaynaynaa, maalgalintuna waa mid labada darafba dan u ah oo Somaliland in maalgalin lagu sameeyo dan ayaa ugu jirta, maalgaliyayaashana dan ayaa ugu jirta, waxaanuna mar walba soo dhawaynaynaa cid kasta oo dalkan wax gashanaysa faa’idana u soo kordhinaysa dalka.”

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Monopolisation of the Somali livestock industry, the economical backbone and the Somali lifeline is nothing to cheer for.

 

If only they would understand.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Carafaat;752625 wrote:
Monopolisation of the Somali livestock industry, the economical backbone and the Somali lifeline is nothing to cheer for.

 

If only they would understand.

why Monopolisation while this is third Maxjar in Berbera, There is competition between Indho deero and Aljabiri which is good for market

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this