Sign in to follow this  
Fiqikhayre

Puntland President names Administration for Haylaan Region of Puntland (officially inaugurated)

Recommended Posts

Madaxweynaha Puntland oo maamul gobol u magacaabay gobolka cusub ee haylaan

 

Gobolka Cusub ee haylaan oo ah gobol ku soo biraay todabadii Gobol ee ay horay uga koobnayd Puntland kuna noqday sideed gobol ayaa yeeshay maamul cusub, tigreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Dawlada Puntland ayaa lagu magaacabay maamulkii ugu horeeyey ee gobolka haylaan oo ka Go’ay gobolka sanaag xaruntiisuna tahay magaalada dhahar, gudoomiyaha gobolka haylaan ayaa loo magacaabay Maxamed Faarax Ciise (Jeentalo) Halka ku xigeenkiisana loo magacaabay, Muuse Axmed Muuse.

 

Madaxweynaha ayaa u cuskaday magaacabista maamulka gobolka haylaan kadib markuu arkay baahdi loo qabo tayeynta maamulada Gobolada uuna la tashaday madaxweyne ku xigeenka iyo wasiirka arimaha gudaha, waxaana saxaafada u akhriyey af hayeenka madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax joore),

 

Maamulka Gobolka haylaan ayaa wali waxaa ka dhiman qaybo kamid ah maamulka sida qaybihii ciidanka ee gobolada iyadoo la sheegay in dhawaan la soo magacaabi doono,

Maamulkan cusub ayaa la filaaya inuu wax badan ka badeli doono gobolka cusub ee haylaan oo la sheego inuu tirsado wax yaabo badan oo dib u dhacyo ah hase ahaate waxaa maamulka cusub laga filaaya inay gobolka la tartansiiyan todobadii gobol ee ka horeeyey, Gudoomiya cusub maxamed faarax ciise (jeentalo) ayaa horay u ahaa masuul sare oo katirsan maamulka somaliland hase ahaate dhawaan ayuu u soo wareegay dhinaca Puntland.

 

Mukhtar Cabdi Faarax

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxamed Faarax Jeentaro Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Haylaan

 

Written by Jaamac Nuur Muuse

 

82e50555eca2765b456db499e2407269_L.jpg

 

Garoowe (SPR): Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa markii u horaysay lagu magacaabay gudoonka gobolka Haylaan, oo ah gobol kamid ah sideeda gobol Puntland, sida ku xusan dastuurka maamulkaasi. Gudoomiyaha gobolkaasi ayaa loo magacaabay mudane Maxamed Faarax Ciise (Jeentaro), halka kuxigeenka gobolkana loo magacaabay Muuse Cali Muuse.

 

Gudoomiyaha gobolka Haylaan, mudane Jeentaro oo caawa marti inoogu ahaa barnaamijka hadal haynta qaranka ee idaacada SPR ayaa hambalya u diray shacabka gobolka Haylaan, odayaasha dhaqanka, iyo mas'uuliyiinta kasoo jeeda gobolka oo uu sheegay in ay u guntadeen in gobolkaasi uu helo maamul iyo miisaaniyad lagu fuliyo adeegaha bulshada.

 

Mudane Jeentaro ayaa ah siyaasi xilal kala-duwan kasoo qabtay maamulka Somaliland, muda aad u farabadan'na kusugnaa magaala madaxda gobolka Haylaan ee Dhahar. Xilli ay idaacada SPR wax kawaydiisay qorshihiisi iyo waliba waxyaalaha uu ka shaqayndoono ayuu sheegay in ugu horaynamniga ahmiyad gaar ahi siin doono, uuna dhawaan soo bandhigi doono qorshayaal lagu tayayn doono laamaha kala duwan amniga ee gobolka ka hawlgala.

 

Aragtida Dadwaynaha Caasimada Haylaan ee Dhahar:

 

Mar aan Microfoonka la dhex qaatay shacabka kusugan suuqyada iyo shaaricyada waa-wayn ee magaalada Dhahar, ayaa waxa ay muujinaayeen aragtiyo kala duwan ee ku aadan magacaabista gudoonka gobolka oo isugu jira hambalyayn iyo talo bixin. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdulaahi Cartan oo kamid ah isimada ugu muga iyo miisaanka wayn gobolka Haylaan ayaa hambalyo u diray mudane Jeentaro, ilaahna uga baryay in xilkiisu u fududeeyo.

 

Cusmaan Cilmi oo ah shaqsi kashaqeeya arimaha bulshada kana mid ah beelaha .5 laga tirada badanyahay oo kamid ahaa shaqsiyaadkii aynu microfoonka la dhex qaadanay ayaa waxaa ra'yigiisu kamid ahaa; "Waxaan ugu baaqayaa gudoomiyaha cusub ee gobolka in uu cadaalada ahmiyad siiyo, beelaha .5 ee laga tirada badanyahay saamigoodi maamulkiisu ay ka dhex muuqdaan."

 

Sidoo kale, ra'yi uriirinta aynu samaynay ayaa waxaa ka dhex muuqday dhaliilo aad u farabadan oo loo jeedinaayay maamulka Puntland, oo ay dadka degaanka gobolka Haylaan ay ka niyad xumaayeen in 6 sano kadib maanta gudoomiyahii u horeeyey loo magacaabo gobolka Haylaan.

 

Iskusoo duub, waa gudoomiyihii u horeeyey gobolka Haylaan loo magacaabo, iyadoo tan iyo sandkii hore ay kadhacayeen magaalada Dhahar shirar farar badan ay dadka degaanka iyo mas'uuliyiinta Puntland ee kasoo jeeda degaankaasi ay kaga arinsanaayeen arima quseeya hirgalinta maamulka gobolkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this