Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Banaanbax ballaaran oo looga so horjeedo qarixi hargaha iyo samaha oo ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Banaan-bax balaaran oo ay soo qaban qaabiyeen Ururada Bulshada Rayidka ah ee Gobolka Banaadir, ayaa waxay maanta ka soconayaan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo looga soo horjeedo qaraxii ismiidaaminta ee lagu gil gillay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.

 

Banaan-baxa ayaa wuxuu goor dhaw uu ka bilowday Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Cones ee degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, waxaana iskugu yimid boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah.

 

Banaan-baxa ka soconaaya Stadium Cones, ayaa waxaa ka soo qeyb gallay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, oo uu horkacaayo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Nuur “Tarsan”.

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in banaan-baxaan loogu magac-daray Maalinta Dhiilada Dadka Somaliyeed, oo lagala jeedo xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.

 

Shacabka ayaa waxay ku qaylinayaan ereyo ka dhan Xarakada Al Shabaab, oo ay ka mid yihiin “Shabaab dooni meyno, Al Qaacida dooni meyno, xasuuqa shacabka Somaliyeed dooni meyno” iyo ereyo kaloo aad u fara-badan.

 

Waxaa goobta khudbado ka jeedinaaya masuuliyiin ka tirsan Masuuliyiinta Degmooyinka Gobolka Banaadir ee Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, waxayna shacabka ay ku dhiira-gellinayaan inay ka qeyb qaataan, dagaalada ka dhan ah Xoogaga Shabaab.

 

Goobta uu banaan-baxu ka soconaayo, ayaa waxaa looga yeeray qeybaha kala duwan ee bahda Saxaafadda, kuwaa oo iminka ku hawlan muuqaalo kala duwan oo ay ka soo qaadayaan banaan-baxayaasha.

 

 

Fillo Sawirada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaan bax ballaaran ayaa haatan ka soconaya magaalada Muqdisho kaasi oo ay isugu soo baxeen dhammaan dadka reer Muqdisho iyadoo dadkaasi ay dareenkooda ku muujinayaan xasuuqii dhawaan loo geesystay arday Soomaaliyeed.

 

Banaan baxan oo ay isugu soo baxeen kummanaan dadka reer Muqdisho ayaa waxaa uu ka socamayaa garoonka ciyaaraha ee Stadio Koonis ee degmada C/casiis waxaana banaan baxaasi oo loogu magac daray maalinta Dhiillada dadka Soomaaliyeed kaddib xasuuqii dhawaan loo geystay dadka shacabka iyo arday Soomaaliyeed kaasi oo ay ku faantay Khawaarijta Shabaab.

 

Isu soo baxan ayaa waxa goob joog ka ah masuuliyiin badan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, guddoomiyaha gobolka Banaadir, Saraakii ciidan iyo masuuliyiin kale.

 

Dadka banaan baxa ka qayb qaadanaya ayaa waxa ay ku qaylinayaan erayo ay ka mid yihiin Maxaan Galabsanay oo Naloo Gubayaa? iyo erayo kale.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Shariif oo maanta hor yimid kumaakun oo ruux, ayaa wuxuu walaac iyo argagax xoog leh uu ka muujiyay, qaraxii argagaxa lahaa ee lagu wiiqay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.

 

Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed, oo goor dhaw tagay Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Cones ee degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, oo uu ka soconaaya banaan-bax balaaran oo looga soo horjeedo xasuuqii ka dhacay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha, ayaa wuxuu ka jeediyay khudbad xasaasi ah.

 

Madaxweynaha ayaa wuxuu marka hore uu muujiyay sida uu uga naxay waxa ka dhacay goobtaasi, isla-markaana wuxuu Ummada Somaliyeed uu diray tacsi qaran, meel kastaa oo ay caalamka ka jooggaan.

 

Madaxweynaha ayaa wuxuu marka labaad uu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay tahay koox cadow ah, waxaana loo-baahan yahay buu yiri in halmeel looga soo wada jeesto, lagana saaro goobaha ay dalka kaga sugan yihiin.

 

Mudane Shariif Sheekh Axmed, ayaa wuxuu carabka uu ku adkeeyay in Dowladda Somaliya ay ka go’an tahay inay Shabaab ka saarto dalka Soomaaliya, laakiin waxaa shacabka looga baahan yahay buu yiri inay Dowladda taageeraan, kana qeyb qaataan dagaalada looga saaraayo buu yiri dalka.

 

Sidoo kale wuxuu muujiyay haddii maanta Shabaab laga saaro dalka Soomaaliya, in dalka Soomaaliya uu dib u helli doono, nabadii iyo kala dambeentii horey uga jirtay, isagoo farta ku fiiqay in Shabaab ay lid ku tahay nabad ka dhalata dalka Soomaaliya.

 

Ugu dambeen waxaa weli Garoonka Kubada Cagta ee Stadium Cones ee degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, ka soconaxaaya banaan-bax loogu magac daray Maalinta Dhiilada Dadka Somaliyeed, oo lagala jeedo xasuuqii baahsanaa ee ka dhacay Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya ayaa wuxuu maanta uu dib ugu soo laabtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo dhinaca kalana uu ka qeyb gallay banaan-baxa ka soconaaya magaaladda Muqdisho.

 

Raa’isal Wasaaraha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, oo maanta ka qeyb gallay banaan-baxa balaaran ee Shabaab looga soo horjeedo ee ka socoanaya Garoonka Kubada Cagta ee Stadium ee degmada Cabdi Casiis ee Gobolka Banaadir, ayaa wuxuu ka jeediyay hadal dheer.

 

Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, ayaa wuxuu marka hore uu tacsi qaran uu u diray guud ahaan Ummada Somaliyeed ee dacalada caalamka ku kala sugan, isla-markaana wuxuu cambaareeyay qaraxii arxandarada lahaa ee lagu laayay arday iyo waalidiin, oo lala beegsaday Xaruuntii Hargaha iyo Saamaha ee magaaladda Muqdisho.

 

Raa’isal Wasaaraha, ayaa wuxuu sheegay in shacabka Somaliyeed ay ka dharagsan yihiin, in Xoogaga Shabaab ay yihiin kuwo aad u dhib badan, isla-markaana waxay doonayaan buu yiri inay xasuuq u geystaan shacabka Somaliyeed.

 

Mudane Gaas ayaa wuxuu ku hanjabay in Xarakada Al Shabaab ay dagaalo xoogan la-gelli doonaan, isagoo hoosta ka xariiqay in Dowladda Somaliya ay Shabaab ka saari doonto, guud ahaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

 

Raa’isal Wasaaraha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, ayaa wuxuu Ummada Somaliyeed uu ku booriyay, in Dowladda Somaliya ay ku taageeraan dagaalada lagula jiro Xoogaga Shabaab.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this