Xaaji Xunjuf Posted October 5, 2011 Xukuumadda Somaliland Oo Fal Argagixiso ku tilmaantay Qaraxii Muqdisho October 5th, 2011 Hargeysa (Somaliland.Org)-Xukuumada Somaliland ayaa markii u horeysay tacsi u dirtay shacabka iyo dowlada Soomaaliya qaraxii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Salaasadii magaalada Muqdisho. Kaasi ay oo in ka badan 70 qof ay ku dhinteen 150 kalena ku dhaawacmeen. “Waxaanu ka tacsiyadeyneynaa anigoo ka xun dhibaatadii ku dhacdey shacabka Soomaaliya, khaasatan shacabka ku nool magaalada Muqdisho weererkii ay ay Salaasada argagixisadu ku qaaday dad farabadan oo maati ah oo ardey u badan naftoodii ku waayeen,”ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha dibada oo maanta u waramayay saxaafaddu. Wasiirka Khaarajigu waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid argagixiso oo oo lagu bartilmaameedsaday dad aan waxba galabsan, waxaanu yidhi “Weerarkii ismiidaaminta ahaa oo ay argagixisadu ku soo qaaday sidaanu wararka ku heyno waxaa halkaasi ku nafwaayey dad aad u badan oo shacab u badan wax dambi ah oo ay galabseena aanay jirin. arrintaasi xukuumada Somaliland iyo shacbigeeduba aad iyo aad ayey uga xun yihiin waxaanuna halkan ka cambaareyneynaa argagixisada faldambiyeedka intaa le’eg gashay.” “Waxaanay khatarahani muujinayaa culeyska iyo khataraha ku wajahan Geeska Afrika ay ku hayaan kooxaha nabad diidka ee ladagaalama bini’aadanimada ee argagixisada, arrintaasi waxaan caalamka ugu baaqeynaa in gargaar u fidiyaan dadka halkaas ku waxyeeloobey,”ayuu yidhi Dr. Maxamed Cabdilaahi. Wasiirku waxa uu ku dooday inay la dagaalanka argagixisada lagaga hortagi karo iskaashi “Arrintaasina waxaan aaminsanhay in iskashi lagaga bixi karo oo shacabka soomaaliyeed iska garabsadaan xukuumad iyo shacaba sidii looga hortagi lahaa in ay arrimahaasi oo kale ay dhacaan,”ayuu intaasi raaciyay Wasiirku waxa uu shacabka Somaliland ugu baaqay in ay feejignaadaan, sidoo kalena ciidamada Somaliland boolis iyo Milatariba ugu baaqey inay heegan noqdaan waxaana hadaladiiii kamid ahaa. “Waxaan shacabka Somaliland ugu baaqeynaa in ay kor dhiyaan oo ay laba laabaan oo feejignaadaan oo sidii hore ee ay ku ilaashanayeen xasiloonidooda ee ay ku ilaashadaan nabad galyadooda.” “Ciidamada nabadgalyada ee qaranka Somaliland sidii caadadu ahayd ee horeba looga bartay waxay had iyo jeer heegan ugu jiraan sidii ay u difaaci lahaayeen qarannimada dalka iyo wixii kale dhibaatooyin u keenaya wadanka waxaanan ku kalsoonahay in arrintaasi tahay arrin gacanta shacabka Somaliland iyo ciidamada nabad galyada ku jira.” Wasiirku waxa uu sheegay inay Somaliland sii gelisay heegan waxaanu yidhi “Xukuumada Somaliland waxay sii kordhineysaa dedaalkii ay hore ugu jirtey ee sugida amniga iyo lashaqeynta caalamka sidii ay waligeedba ay ula shqeyn jirtey sidii loo yareyn lahaa khataraha argagixisada iyo budhcad badeeddaba.” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted October 6, 2011 Somaliland Government condemns Al Shabaab‘s Mogadishu bombing HARGEISA (SomalilandPress)—Somaliland government today condemned Somali’s Al-Qaeda link terrorist group Al Shabaab for their truck bombing of Mogadishu hall where students assembled to register an entrance exam to Turkish scholarship. A truck full of explosive driven by a suicide bomber ramp the entrance of the building killing over 70 students and civilians Wednesday morning. The wounded were estimated to surpass 160 consisting of students, civilians and soldiers. Somaliland Minister of Foreign Affairs Dr. Mohamed Abdillahi Omar speaking to the press at his office said his government and the people of Somaliland send their condolences to the people of Somalia, the Transitional Federal Government and Mogadishu residents for the coward attacks of the terrorist group Al Shabaab. Dr. Mohamed Abdillahi Omar said we ask the international community to help those that were hurt on yesterday’s bombing as they need an urgent medical care. The Minister said Somaliland remains resolute on the fight against terrorism and that police and army forces have been put on high alert after yesterday’s truck bombing of Al Shabaab in Mogadishu. We also asked our citizens to be more vigilant and report any suspicious people or activities to the police. Dr. Mohamed went on to say the only way to fight back these terrorist group is to have all regional governments work together as precautionary measure against terrorism. Foreign Minister Dr. Mohamed Abdullahi Omar concluded the press meeting by saying “Al Shabaab terrorist group is a threat to the East Africa and the entire world unless they are stopped”. Yesterday’s truck bombing in Mogadishu has been condemned by the world and Al Shabaab terrorist group has promise to continue their terrorist tactic. Quote Share this post Link to post Share on other sites