Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland court in berbera sentences seven pirates to prison

Recommended Posts

Maxkamada Gobolka Saaxil Oo Min Shan Sano Oo Xadhig ah Ku Riday Todoba Nin Budhcad Badeed ah

October 5th, 2011

 

Berbera (Somaliland.Org):- Maxkamada gobolka Saaxil ayaa maanta min shan sano oo xadhig ah ku riday todoba nin oo budhcad baddeed Soomaali ah, kuwaasi oo badhtamihii sanadkan ay xeebta magaalada Berbera ka soo qabteen ciidamada badaha Somaliland.

 

Todobadan nin oo shalay la hor geeyay maxkamada gobolka Saaxil ayaa lagu xukumay midkiiba shan sano oo xadhig ah, sida uu cadeeyay guddoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil Cismaan Ibraahim Daahir.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in kow iyo tobankii bishii todobaad ee sanadkan todobadaasi nin ee budhcad badeeda ah uu dekada magaalada Berbera keenay markab laga leeyahay dalka Ruushka kaasi oo doonayay in uu ciidamada Somaliland u gacan geliyo, balse ay ciidamada Baddaha ee Somaliland ka diideen in uu ku dejiyo dekada magaalada Berbera, ka dibna uu markabkaasi todobadaa nin ku daadiyay dhinaca bari ee badda Berbera ka dibna ay gacanta ku soo dhigeen ciidamada Baddaha Somaliland.

 

Cismaan Ibraahim Daahir, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Xukunkaasi wuu jiraa oo waxaanu xukunay maanta (shalay) todoba nin oo budhcad baddeed ah, nimankaasi oo markii hore bishii todobaad kow iyo tobankeedii sida la ii sheegay uu markab Ruush ahi keenay xeebaha Somaliland, kaasi oo dib loo celiyay loona diiday in uu keeno dekada Berbera, hase yeeshee amarkaa lagu celiyay in uu sax ahaa iyo in uu khalad ahaa anigu ma cadayn karo, balse magaalada Berbera oo xaga xeebta bariga ah ayuu dhigay markabkaasi todobadaa nin ee lagu soo dacweeyay budhcad badeeda.”

 

Guddoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil mar uu ka hadlayay wax ay ay ku aqoonsadeen in nimankani ay yihiin budhcad badeed iyo in kale, ayaa isagu ku dooday in mid ka mid ah todobadaasi nin uu qirtay in ay yihiin budhcad badeed kana qawlayssn jireen biyaha gacanka, isla markaana markabkii siday nimankaasi uu soo raaciyay qoraalo iyo sawiro muujinaya in doonyaha ay wateen u egaayeen kuwa budhcad badeeda, iyada oo qoraaladaasi iyo sawiradaasiba la keenay maxkamada sida uu sheegay guddoomiyuhu.

 

“Arrintaasi markii ay boolisku soo baadheen ka dib waxaa la keenay maxkamada, maxkamaduna kiiskaa way rumaan garaysay waxaana la sugayay in danbigaasi lagu soo cadeeyo nimankaasi, hase yeeshee mid ka mid ah nimankaasi eedaysaneyaasha laftooda ayaa cadeeyay in in ay ahaayeen niman budhcad badeed ah oo ka qawlaysta biyaha gacanka iyo kuwa Somaliland, markabkii siday nimankan wuxuu soo raaciyay qoraal iyo sawiro ay ka muuqato doonyihii ay wateen markii horeba oo uu qaabkoodu u egyahay kuwa budhcad badeeda, iyada oo maxkamadana la horkeenay qoraaladaasi iyo sawiradaasiba in ay nimankaasi ahaayeen budhcad badeed.” Ayuu yidhi guddoomiyaha maxkamada gobolka Saaxil.

 

In ka badan sideetan budhcad badeed ah ayay maxkamadaha Somaliland xukuno kala duwan ku rideen sanadihii u danbeeyay, kuwaasi oo ku xidhan xabsiyada dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this