Sign in to follow this  
Nabad_dadaye

Gaa lbaad tahay hadad dhanka dowlada uguurto

Recommended Posts

''cimrigaa raagay geel dhalaayo ayuu ku tusaa ''

waan yaabaye idinna ma yaabteen .

 

Sarkaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta ku dhawaaqay hadal dad badani ka yaabiyey ka dib markii uu ka istaagay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Sarkaalkan oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo ka tirsan qeybta Al-Shabaab u qaabilsan faafinta fatwooyinka ayaa xilli uu ka istaagay masjid ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay ku nool yihiin dad badan oo barakayacaal ah ayaa sheegay in diinta ay ka baxayso cid kasta oo u guurta dhulka ay maamusho DKMG kana guurta deegaanada ay ka taliyaan Al-Shabaab.

 

“Waa in la fahmaa waxyaabaha diinta looga bixi karo, qofkii u guura dhul GAALO joogto oo diintaada si fiican ugu dhaqmi Karin way gaalowday!” ayuu yiri C/qaadir Muumin oo si qiireysan uga dhex istaagay masjidka oo dad fara badan ay ku soo tukadeen.

 

Wuxuu intaa ku daray in qoyskii damca inuu ka guuro deegaanada ay heystaan Al-Shabaab uu yahay mid diidan ku dhaqanka Shareecada ayna bannaan tahay in la dilo, waa siduu hadalkiisa u dhigay C/qaadir Muumin.

 

Hadalka sarkaalkan ayaa u muuqday mid dabajooga ka dib markii dadkii hore u ga barakacay magaalada Muqdisho ay bilaabeen inay guryahooda ku soo laabtaan taasoo ka dambeysay xaalada deganaansho ee dib ugu soo laabatay degmooyinka caasimada ee ay bishii Ramadaan baneeyeen maleeshiyaadkii kooxda Al-Shabaab. Waxaana tan iyo bishii Ramadaan sii kordhayey tirada qoysaska soo laabanaya.

 

Qoysas fara badan oo ku faraxsan isbedelka dhanka amniga ee ka jira Muqdisho ayaa beryahan dambe bilaabay inay ka soo hayaamaan deegaanada Ceelasha Biyaha, Suuqa Xoolaha iyo Lafoole iyagoo dib ugu soo laabanaya guryahooda oo ay saddex sano ka badan ka maqnaayeen.

 

Dadka soo laabanaya ayaa si qarsoodi ah oo teelteel ah uga soo guura deegaanada ay joogaan Al-Shabaab waxaana maalin walba la arkaa qoysas baabuurta yar yar ku soo guuraya iyagoo carruurtooda wata.

 

Hase yeeshee hanjanabaadan uu maanta jeediyey C/qaadir Muumin oo ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ayaa dad badan ku abuuray walaac iyo in hadalkiisa uu ku dhiirigelin karo maleeshiyaadka Al-Shabaab inay dadka si fudud u dilaan, waxaana maanta la arkayey dad badan oo masaajidka ka soo baxay iyagoo afka qaloocinaya lana fajacsan hadalka uu jeediyey C/qaadir Muumin.

 

raxanreeb.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this