Sign in to follow this  
General Duke

Bosaso city elects a new Mayor..

Recommended Posts

DSCN3091-300x225.jpg

 

Bosaso Oo Yeelatay Maamul Cusub (Sawiro)

23 hours ago | 9 comments

 

Duqa Magaalada Bosaso ee la doortey maanta

Munaasabad lagu dooranayey Guddoomiyaha iyo Kuxigeenka cusub ee degmada Bosaso ayaa si rasmi ah uga dhacday maanta Madaxtooyada Bosaso ee magaalo-xeebeeda Puntland.

 

Mas’uuliyiintii ka soo qaybgashay doorashada ayaa waxaa kamid ahaa Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdilaahi Axmed Jaamac’Ilkojiir’,Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Jaamac,Wasiirka aminiga & DDR Khaliif Ciise Mudan,Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Injineer Siciid Maxamed Raage,Guddoomiyaha gobolka Bari Cabdisamad Maxamed Galan,Saraakiil,Isimo,haween iyo marti sharaf kale.

 

Doorashada oo ahayd hab gacan-taag ah ayaa madasha waxaa ku sugnaa Xildhibaano gaarayey

26-mudane,kuwaasi oo sida goobta laga sheegay aysna soo gelin doorashada Saddex Xildhibaan taas oo ka dhigtay in Kooramku ahaa mid buuxay.

 

Musharaxiinta cusub ayaa mid mid loogu dhaariyey Kitaabka ALLE ka dibna si toos ah ayaa loo gudagalay doorashada.

 

Labada musharax ee isu soo taagay Jagada Guddoomiyaha golaha deegaanka Bosaso ayaa kala ahaa

Xasan Cabdalle Xasan iyo Cabdiqaadir Daahir Yusuf,sidoo kalena Jagada Guddoomiye Kuxigeenka ayaa waxaa isu soo taagay Siciid Garoon iyo Cabdinuur Galayr oo isagu ka tanaasulay Jagada Kuxigeenka Guddoomiyaha golaha degmada Bosaso intii aysabn doorashadu bilaaban.

 

 

 

 

Duqa Magaalada Bosaso ee la doortey maanta

 

 

 

Intii aysan bilaabmin doorashada ayaa musharax kasta la siiyey 5-daqiiqo si uu ugu soo gudbiyo Taariikh-nololeedkiisa iyo mustaqbalkii Waxqabadeed.

 

Musharax Cabdiqaadir Daahir Yusuf oo u tartamaayey Jagada Guddoomiyaha degmada Bosaso ayaa shaaca ka qaaday in uu ka tanaasulay Jagadaasi kaas oo sheegay in uu uguna daray codkiisa Mudane Xasan Cabdalle Xasan.

 

Doorashada oo u dhacday hab gacantaag ah ayaa Xildhibaano gaaraya 26-mudane ugu doorteen si buuxda in Guddoomiye u noqdo golaha degmada Bosaso Xasan Cabdalle Xasan,iyadoona Guddoomiye Kuxigeen loo doortay Siciiid Cabdirixmaan Garoon.

 

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dawladaha hoose Cabdilaahi Axmed Jaamac’Ilkojiir ayaa sheegay in 26-mudane u doorteen Guddoomiyaha golaha degmada Bosaso Xasan Cabdiille Xasan,wuxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in Guddoomiye Kuxigeena loo doortay Siciid Cabdirixmaan Garoon.

 

Labada masuul ayuu kula dardaarmay Ilkojiir in ay hortaalo hawl adag oo la doonayo in si daacad ah loo qabto,wuxuuna ka codsay Xildhibaanada golaha degmada in ay la shaqeeyaan.

 

Guddoomiyaha cusub ee degmada Bosaso Xasan Cabdille Xasan oo lagu soo dhaweeyey madasha ayaa

sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay Jagada cusub ee loo doortay,wuxuuna sheegay in haddii ALLE idmo wax weyn uu ka qaban doono horumarka degmada oo ay kamid yihiin:

 

1. Amniga.

2. Dardar gelinta dib u heshisiinta beelaha degmada Bosaso.

3. Dhaqaalaha.

4. Caafimaadka.

 

Maxamuud Faarax Beeldaaje oo ahaa duqii hore ee degmada Bosaso kuna sugnaa madashii doorashadu ka dhacday ayaa sheegay in uu soo dhaweynaayo sida doorashu u dhacday,wuxuuna sheegay in si deg deg ah uu Jagada ugu wareejin doono maamulka Cusub.

 

Sidoo kale ayuu sheegay in mudadii uu Jagada duqa degmada uu hayey uu la soo kulmay arrimo farabadan oo ay ugu weyneyd amniga degmada balse ay wanaagsan tahay Iminka.

 

Wasiirka aminiga & DDR Khaliif Ciise Mudan oo khudbadiisu ahayd mid diirada saareysay hawsha adag ee hortaala maamulka cusub ayaa sheegay in loo baahanyahay in laga shaqeeyo bilicda iyo horumarka degmada.

 

Khaliif Ciise Mudan ayaa soo hadal qaaday Xildhibaano gaareyey Saddex oo la sheegay in aysan ku sugneyn goobtii doorashada kuwaasi oo ka biyo diiday xubno lagu soo kordhiyey golaha degmada ayuu sheegay in la doono Xubnahaasi lagalana taliyo wixii ay tabanayaan si mowqif mideysan loo gaaro.

 

Si kastaba ha ahaatee maamulka cusub ee degmada Bosaso uu madaxa u yahay Xasan Cabdalle Xasan oo horey u soo noqday Xukuumadii Jeneraal Cadde Musse Wasiir Kuxigeenka Maaliyada ayey shacabka ku dhaqan degmadu ka sugayaan sidii uu isbdel dhab ah ugu sameyn lahaa dhinacyada aasaasiga u ah bulshada Bosaso.

 

Cismaan Turaabi

Horseed Media

Bosaso,Puntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this