Sign in to follow this  
djibsomali

Usa says: somaliland?? What somaliland?? get out of here ....

Recommended Posts

you rather parade yourself with an awdal state selfmade piece of paper called passport than the same piece of banana leave called somaliland passport

 

MADAXTOOYADA JSL IYO WASIIRKA ARIMAHA DIBEDA OO XAQIIJIYEY IN WAFDI UU MADAXWEYNE SILANYO HOGAAMIN LAHAA BISHII FEBRUARY EE SANADKAN LAGU JIRO LOO DIIDEY VISA HA MARAYKANKA.

 

 

 

 

War kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha JSL iyo wasiirka arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga Dr (falso). Mohamed Abdilahi Cumar ayaa sheegaya in wafdi uu madaxweynaha JSL hogaamin lahaa loo diidey visahii dalkugal ee Maraykan.

 

Email-laga hayo wasiirka arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga iyo xafiiska madaxweynaha JSL ayaa xaqiijinaya in dawlada maraykanku sheegtay in ay ula dhaqmi doonto madaxweynaha JSL sida ay cid walba oo visa kasoo dalbata ula dhaqanto oo aan loola dhaqmi doonin hab maamuuseed madaxweyne dawladeed.

 

Arintaas oo runtii ka fog hab dhaqanka diblimaasiyadeed ahna waji gabax aan meel loo raaco lahayn ayaa email kasoo baxay xafiiska madaxweynaha JSL iyo wasiirka arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga uu xaqiijiyey in ay safaarada maraykanku ogeysiisey hay’ada IRI (International Republican Institute) iyadoo hay’adaasi qorshaha visa doonka maraykanka la waday xafiiska madaxweynaha JSL iyo wasiirka arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiga ogeysiiseyna wasiirka in safaaradu visa bixinta ku xidhey inuu madaxweynaha JSL shakhsi ahaan u yimaado safaarada maraykanka Nairobi ama Djibouti oo uu buuxiyo applicationkiisa, farona laga qaado oo uu maro habka ay cidwaloo visa dalbataa marto.

 

Arintaa oo ah arin aad u fool xun waxay xaqiijinaysaa in wasiirka arimaha dibada iyi iskaashiga caalamigu iyo xafiiska madaxweynaha JSL ku guuldareysatey hagitaanka arintaasi, wasiirka arimaha dibeda iyo iskaashiga caalamiguna ku hungoobey siyaasada arimaha dibeda, ilaalinta sharafta umada iyo maqaamka madaxweynaha JSL.

 

Dhacdadani waxay kaloo cadaynaysaa in masuuliintaasi ku hungoobeen kuna guul dareysteen habka diblomaasiyadeed ee loogu dooni lahaa madaxweynaha JSL visa dal kugal maraykan isagoo sharaftiisa qaba, sharafta umadiisana la dhowrayo, kuna guul dareysteen ilaalinta sirta dawlada uu madaxa ka yahay madaxweynaha JSL.

 

Wargeysku isagoo isleh wax ka weydii dhacdadan wuxuu la xidhiidhey xafiiska madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibeda, hase yeeshee waanu heli kari weynay.

 

 

 

 

Waakan EMAIL kii arintan cadeynayey:

 

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11512&Itemid=65

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this