Sign in to follow this  
NASSIR

Nairobi: A ceremonious reception held in support of Maakhir University (Pics)

Recommended Posts

NASSIR   

Important Institutions in Maakhir region are emerging strong. This event was held in Nairobi to support as well as celebrate the 1st anniversary of this higher learning school in Badhan, Somalia.

 

Kulan Lagu Taageerayay Maakhir University oo Lagu Qabtay Nairobi Daawo Sawirada

31st July 2011

 

Nairobi:- Kulan lagu taageerayo Maakhir University *oo Ku taala Magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag ayaa Maanta Galinkii danbe *ka dhacay Magaalada Nairobi, Kulankaasi ayaa lagu *Casumay *dad ka mid ah Bulshada qayba heeda kala duwan sida Aqoonyahano, Macalimiin Jaamacada wax ka dhigta iyo Hal-Abuuro Caan ah oo Somaliyeed.

 

Ugu horayn waxa Lagu duway Mikirifoonka Sheekh Xamse oo Aayado Quraan ah Halkaasi ka soo Jeediyay dadkana u sheegay inay Cabsida Alle Xasuusnaadaan.

 

Waxa intaasi ka dib Hadlay Maxamed Maxamuud Cabdi [beerdhige] oo ka mid ahaa xubnihii Maakhir Community ee shirkaasi soo qaban qaabiyay.

 

Maxamed ayaa Bulshada *u faah faahiyay ujeedka Kulankaasi Maanta loo qabtay isaga oo sheegay in Muhiimada Kulanka uu yahay mid ku Salaysan in lagu Taageero Horusocdka *Jaamaacada Maakhir, sidoo kale Bulshada ayuu u Faah Faahiyay in Kulankan uu yahay mid Daba socda *Kii dhawaan lagu qabtay Dalka USA.

 

Docda kale waxa uu Carra baabay inay Muhiim tahay in la xuso Hormuudka Jaamacada Maakhir oo Farta ku Fiiqay inay Yihiin Aamina Maxamuud Ducaale, iyo Cabdullaahi Saalax Geel-Jire, Coll Maxamed Cabdi Qaac, iyo Dr Siciid Faahiye Prof Abshir Aw-Yuusuf, dhamaan xubnahaasi ayaa ka mid ah *dadka u Ololaynaya Taaba Galinta Jaamacada Deegaanka Maakhir, iyo Farshaxanka Caanka ah ee Amin Camir kaasi oo Jaamacada aad ula shaqeeyay

 

Gaba gabadii Maxamed Maxamuud waxa uu u Mahadnaqay Warbaahinta sida aadka ah ula shaqaysa Arimaha Jaamacada oo ay ka mid Yihiin Radio SPR.

 

Qoraaga Caanka ah ee Khaliif Ashkir Diini oo ah nin Hal Abuur leh ah oo Qorayna Buugag badan oo *ay ka mid Yihiin [ Rajo Qaran] *[Waa Sirgaxanaye Sax Ma Jirinaa] *[Guur iyo Garaad]

 

Qoraaga ayaa aad uga hadlay Muhiimada Aqoontu ay Leedahay isaga oo Amaanay Hormuudka Jaamacada Maakhir sida Wanaagsan ee ay dal Fashilmay uga Hir galiyeen Nidaam Aqoon Heer Sare leh lagu Baranayo, *Coll Khaliif Ashkir Diini ayaa Bulshada Reer Maakhir ugu baaqay inay Garab is taagaan Jaamacada Maakhir isla markaana dhanka dhaqaalaha ka Caawiyaan.

 

Waxa iyana xusid mudan in Macalinkii Jaamaacada Maakhir ee Magaalada Badhan uu Fasax u Joogay Magaalada Nairobi, Nasiibna u sheegay ka qayb Galka Kulankaasi.

 

Macalin Arnold Shiyenji Makumba waxa uu aad uga sheekeeyay tegitaankiisii deegaanka Maakhir isaga oo xusay in Guud ahaan Somaliya ay Warbaahinta Caalamku ka Gudbiyaan Musawir Guracan oo ah in Colaadi ay ka Jirto.

 

” Markii aan Tegay Badhan oo ah Meesha Jaamacadu ku Taalo si aad ah baa Bulshada deegaankaasi isoo dhawaysay dadku waxay ahaayeen badi dad waxbarasho Jecel markii aan Furay Albaabada Jaamaacada waxaanu Aragnay dad badan oo Is qoray qaarkood Heerkii ay Markaasi Joogeen iyo Kan Maanta aad buu ukala sareeyaa Markaan ka eegno dhanka Aqoonta oo aad u Wanaagsan| Ayuur Yiri Macalinku.

 

Dr Mula oo ka mid ahaa Barayaashii Rugaha Waxbarasho ee Gobolka Bari Gaar ahaan Bosaaso ayaa Kulankaasi isna ka soo qayb Galay isaga xusay inay Tahay Waajib Garab is Taaga Jaamaacda Maakhir.

 

Xubnaha kale ee halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa C/qaadi Khaliif Cabdi Nuur [7-Tuulo] oo ka mid ah Jaliyada Maakhir ee Kenya Saban Tuulo ayaa Amaanay Howlwadeenada Jaamacada Maakhir kuna dhiiri Galiyay inay sii wadaan dadaalkooda.

 

C/raxmaan *Xasan Yuusuf oo ka mid ah Ardayda Reer Maakhir ee dalka Uganda Jaamacadaha Ka Bartay ayaa sina Laga siiyay Halkaasi hadal Kooban, Ardaygaasi ayaa kula dar daarmay dhamaan Ardayda Somaliyeed *Gaar ahaana Kuwa Maakhir inay Kordhiyaan Sare u kaca Aqoontooda.

 

C/qafaar Axmed Shir oo ka Tirsan Barta Enternet ee *Raxanreeb iyo Horumar.com ayaa isna Madashaasi Hadal ka soo Jeediyay isaga oo Sheegay in ay Maakhir tahay mid Looga Baahnaa deegaankaasi oo ah mid Nabdoon isla markaana sidoo kale Amaanay Gudiga Jaamacada .

 

Dhanka Haweenka oo Kaalin Lixaadle Kulankaasi ka soo qaatay ayaa waxa Afkooda ku Hadashay Murwo Ayaan Muuse Ismaaciil iyada oo Balan qaaday in ka Haween ahaan ay Garab is Taagayaan Jaamaacda Maakhir isla markaana dhawaana *Baaq ay u dhanyihiin soo saarayaan.

 

C/raxmaan Maacir oo ka mid ah Gudiga Maakhir ayaa xusay in Loo baahan yahay in Guud ahaan Taliinta deegeenka Maakhir sare loo qaado isla markaana Ku baaqay in *Magaalooyinka kale, *ee Sanaag sida *Dhahar, Xingalool, Hadaaftimo, Laasqoray, Ceelbuh dhamaantood laag Hir galiyo Gooba Taliinta sare lagu barto.

 

*Mahadnaq:- Gudoomiyaha Maakhir Jaamac Feyte oo Howshaasi Kaalin xoogle ka qaatay Abaabulka Munaasibadaasi

 

*

 

GalGalanews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liibaan   

Masha Allah, excellent job Maakhir University , but where is Maakhir State? Maakhiri people need their own regional state like other Somalis.

 

Maakhir People are working very hard, Xingalool Institute, Maakhir University, Badhan University, Marine Institute in Las Qorey, etc

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

'Liibaan';737856 wrote:
Masha Allah, excellent job Maakhir University , but where is Maakhir State? Maakhiri people need their own regional state like other Somalis.

 

Maakhir People are working very hard, Xingalool Institute, Maakhir University, Badhan University, Marine Institute in Las Qorey, etc

 

Thanks Liibaan. Makhir State will, God Willing, materialize should the political circumstances permit this to happen. Nevertheless, the region has its own regional administration and municipal governments and it is a very PEACEFUL environment for any would be visitors to experience the unspoiled nature of Calmadow scenes. As you may also recall, Makhir is the only region in Somalia with thriving industries, with a major exporting industry employing over 1500 people.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Valenteenah.;737964 wrote:
"An educated mind cannot be fooled". I like that.

Yes Indeed. Thanks Valenteenah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this