Sign in to follow this  
djibsomali

Ugas abdirashid ugas roble in jigjiga (sweet home)!!!!

Recommended Posts

Jigjiga(Kilil5)---Waxaa maanta magaalada Jigjiga ee caasimada deegaanka soogaadhay Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ugaaska beesha awdal state iyo ethiopia oo kayimid wadanka Kanada. Ugaaska ayaa si heer sare ah loogu soodhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga halkaas oo ay kaga hortageen masuuliyiin uu horkacaayay gudoomiyaha gobolka Jigjiga mudane Mawliid Haayir, Ugaasyo,Fanaaniinta iyo dad wayne boqolaal ah. Soodhawantaa garoonka kadib waxaa ugaaska oo lagu galbinaayo baabuur tirobadan xaflad loogu qabtay aqalka shirarka ee sayid Maxamed halkaas oo hadalo kasoojeediyeen gudoomiyaha gobolka oo ku hadlaayay magaciisa iyo magaca xukuumada deegaanka, ugaasy'o, Salaadiin Garaado, odayaasha iyo ugaaska laftiisa hadaladaas oo badnaa sida ay ugu faraxsanyihiin soodhawaynta ugaaska.

Ugaaska ayaa wadanka dibada uga maqnaa mudo 20 sano ah, ugaasnimada loo caleemo saaray 1985 GC kadib markii aabihii ugaas Rooble ugaas Doodi wakhtigii dawladii dhargiga lagu dilay magaalada Jigjiga ee hada noqotay caasimada deegaanka ee sida fiican loogu soodhaweeyay ugaaska. Inkastoo booqashada ugaasku uu deegaankiisa kuyimidi ay qayb katahay barnaamijkii qurbajoogta dib loogu soocelinaayay deegaankooda hadana macada in ugaasku uu xukuumada kala xaajoondoono cabashooyinkii soojiitamay ee beesha awdal state iyo ethiopia ay ka tirsanaayeen xukuumada ee ku aadanaa saami qaybsiga degmooyinkii cusbaa iyo doodii gobolka harawo ee ay beeshu ku taamaysay.

Shamso Cumar

Jigjiga, Kilil5

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this