Sign in to follow this  
NASSIR

Puntland oo War-Saxaafadeed ka Soo Saartay Hashiiskii Atam ay la Gashay 28th July

Recommended Posts

NASSIR   

Wadahadalka ayaa sida lagu cadeeyey warsaxaafadeedka waxaa la sheegay in laga gaaray horumar & isfaham iyadoo dadka deegaanku ay muujiyeen sida ay ugu diyaarka yihiin ayna u balanqaadayaan inay joojiyaan in waa sida hadalka loo yiriye “Argagixisadu aanay u qoran dhalinyarada deegaanka”.

 

Warsaxaafadeedka ka soo baxay dawlada waxaa lagu cadeeyey in iyadoo talaabooyinkaasi ka duulayso ay siideysay 8 nin oo lagu tuhunsanaa inay ku lug leeyihiin Al-Shabaabka, iyadoo warsaxaafadeedka lagu xusey in dhamaan ragaasi midkoodna aanu ku eedeyn dil in uu geystey.

 

Warsaxaafadeedka waxaa si buuxda loogu cadeeyey in aanu isbadalin oo uu halkiisii yahay sharciga Puntland ee la dagaalanka argagixisada & burcad badeeda, waxaana warka lagu sheegay in dawlada Puntland ay ka biyo diidsan tahay waa sida warsafaxaadeedka lagu xusay’e mala awaalka qaar ka mid ah saxaafada taasi oo waa sida warsaxaafadeedka lagu yiriye aqoondari ama arimo siyaasadeed u baahiyey in maxkamada dambiyada sare loo baab’iyey wadahadalada socda awgood (Colaada Galgala).

 

Waxaa kale oo lagu cadeeyey Warka Dowladda in Golihii Garsoorka ee maxkamada dambiyada Puntland ee lagu dhafey garsoorayaasha maxkamadaha caadiga ee Puntland ay tahay codsi ka yimid Baarlamanka Puntland isla markaana ka soo horjeeday dastuurka Puntland.

 

Warsaxaafadeedkan ka soo baxay madaxtooyada Puntland wuxuu ku soo beegmayaa waqti la hadal hayey in heshiis ay gaareen Xoogaga Sheekh Atam iyo Dowladda Puntland, taasoo la sheego in Dagaalo dhimasho iyo Dhaawac badan sababay horay ugu dhexmaray Deegaanka Buuraleyda Galgala Dowlada Punland iyo Dagaalyahanada Sheekh Atam.

 

Waxaa jira warar ilo ku dho dhow Madaxtooyada Puntland laga helo oo sheegaya in Cadaadis badan kaga yimi Madaxweynaha Puntland Dowladaha Reer Galbeedka oo ka soo horjeeda Heshiis in lala galo Dagaalyahanada Sheekh Atam oo ay sheegaan inuu yahay Nin gacan saar weyn la leh Xoogaga Al-Shabaab ee ka dagaalama K/Soomaaliya.

 

Cadaadiska Maraykanka ee Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole ku saarayo in Heshiis aanu la gelin Atam ayaa ah mid mar kale walaac ay ka muujinayaan Shacabka Puntland in dib u soo noqdaan Qaraxyadii iyo Dilalkii laga nastay xiliyadii ugu dambeyey, waxayna dadweynaha Puntland aaminsan yihiin in ay heshiiskii horay loo gaaray u arkeen Nabd u soo hoyatay PL. Balse hadda ay u toog-haynayaan Colaad mar kale soo wajahda deegaanada Puntland.

Source: GalgalaNews

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this