Sign in to follow this  
peasant

Israsaaseyn Ka Dhacday Gudaha Villa Soomaaliya

Recommended Posts

peasant   

Israsaaseyn Ka Dhacday Gudaha Villa Soomaaliya

Muqdisho (RBC) Goor dhoweyd oo daqiiqado ka hor ayaa afaafka hore ee xafiiska madaxweyne Shariif Sheekh Axmed waxaa ka dhacday israsaaseyn dhowr daqiiqo socotay taasoo la sheegay inay khasaare geysatay.

Israsaaseyntan ayaa u dhexeysa ciidamo ilaalo u ah madaxtooyada iyo askar la socotay afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan oo is maandhaaf uu dhexmaray. Waxaana wararka hordhaca ay sheegayaan in sarkaal la socday Shariif Xasan oo bastoolad sitay uu isku dayey inuu gudaha u galo xafiiska madaxweynaha laakiin ay hor joogsadeen ilaalada madaxweyne Shariif balse waxaa markiiba si kedis ah u bilawday rasaas u dhexeysa labada dhinac. Xilligaasi waxaa xafiiska ku wada sugnaa madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas oo kulan gaar ah illaa saaka u wada socday, kana tashanayey magacaabista golaha wasiirada. Arintan ayaa sababtay inuu qalqal galo amniga xafiiska madaxweynaha, iyadoo ciidanka Amisom ee ilaaliya madaxweynaha ay heegan buuxa galeen.

Waxay arintan ku soo beegmeysaa xilli aad loo sugayo ku dhawaaqista liiska golaha wasiirada DKMG oo dib u dhac uu ku yimid mudo ka badan saddex toddobaad.

LA SOCO RBC Radio faahfaahin kale goor dhow

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

Faahfaahin Dheeri oo ka soo Baxaysa Israsaaseyntii Villa Soomaaliya (Sarkaal la Socday Raysul Wasaaraha oo Geeriyooday)

Muqdisho (RBC) Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa israsaaseyn goor dhoweyd ka dhacday xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya taasoo dhexmartay ciidamo ilaalo u ah afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan iyo madaxweyne Shariif.

Wararka ugu dambeeya ee aan ka heleyno xarunta madaxtooyada ayaa sheegaya in hal ruux uu ku geeriyooday dagaalka mid labaadna uu ku dhaawacmay. Waxaana ruuxa uu geeriyooday uu ahaa sarkaal dhanka amniga u qaabilsanaa raysul wasaare C/weli Gaas oo xilligaasi goobta ku sugnaa kaasoo magaciisa lagu sheegay Carab.

Ninka labaad ee dhaawaca ah ayaa ka mid ahaa ciidan ku sugnaa madaxtooyada oo aan weli la ogeyn dhanka uu ka tirsanaa.

Israsaaseyntan ayaa ka dhalatay muran dhexmarey ciidanka ilaaliya xafiiska madaxweynaha iyo nin la socday afhayeenka barlamaanka Shariif Xasan oo sitay bastoolad kaasoo isku dayey inuu xoog ku galo xafiiska gaarka ee madaxweynaha oo waqtgaasi ay ku wada sugnaayeen madaxweyne Shariif iyo raysul wasaare C/weli Gaas.

Amaanka xafiiska madaxweynaha iyo guud ahaan madaxtooyada ayaa aad loo adkeeyey iyadoo ciidanka Amisom ee ilaaliya madaxtooyada ay xireen dhamaan irdaha xafiiska madaxweynaha, waxaana xilligan kulan gaar ah wada leh raysul wasaaraha iyo madaxweynaha oo ka tashanaya magacaabistii golaha wasiirada.

Saraakiil ku sugan madaxtooyada ayaa RBC Radio u sheegay in ninka la socday Shariif Xasan uu rabay inuu bastoolada la galo xafiiska madaxweynaha oo hubka ka mamnuuc ah, taasina ay khatar gelineyso amaanka masuuliyiinta.

Xaalada ayaa hadda degan waxaana xarunta madaxtooyada lagasaaray ciidankii la socday Shariif Xasan.

 

RBC Radio

Xafiiska wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
peasant   

So how peaceful is Mogadishu if the highest level of government officials have their own undisciplined mooriyan bodyguards running around and do not have unified government protection?

 

I think the case is pretty much closed and no further elaboration is required.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this