Sign in to follow this  
Cawaale

Fogaan Arag mise hoog sheeg?

Recommended Posts

Cawaale   

Qofkeena la socda akhbaarta Soomaaliya, siyaasaddeeda iyo xaaladda murugsan ee shacabka la isugu tagay waxaan ka qarsooneyn in ay sheekadu alamtara soo dhaaftay. Dagaalada goos gooska ah ee maalin walba dhaca waxay galaaftaan oo ay la haraan shicibka. Dhinacyada dagaalku ka dhaxeeyo ayaan iyagu kala arxan rooneyn markii loo eego shacabka lagu dul caweynayo.

 

Haddaba waxaa is weydiin mudan illaa iyo goorme ayay sheekadani socon doontaa? Wa maxayse arinta ugu daran ee aan maleyn karno in ay ka dhalato dagaaladan, markii laga yimaado qaxa, barakicinta iyo xasuuqa.

 

Jawaabta su’aashaasi waxay ila noqotay in ay tahay waxa ugu daran ee ka dhalan kara dagaaladan in laga adkaado rabitaanka shacabka, jiritaanka nidaamka dowladda(ee haatanba daciifka ah) oo ay dhacdo in ay shabaabku la wareegaan wadanka. Waayo haddii la a waayo awood kale ama waddo kale oo lagu joojiyo shabaabyenta ka socoto soomaaliya maanta waxaa si weyn isu baddali doona nolosha shacabka.

 

Hoos waxaan idinku soo bandhigi doonaa waxyaabo ka mid ah is baddalada laga yaabo in ay ku yimaadaan wadanka haddii ay dhacdo in ay wadanka la waregaan qoloda aan kor ku soo sheegnay.

 

Dhaqaalaha:-

 

Waa midda kowaad e waxaa dhici doona sicir barar ku aaddan kor u kaca qiimaha qamiisyada, khaas ahaan midbka cagaarka ah. Sidoo kale waxaa hoos u dhici doonna qiimaha dhamaan qeybaha kale ee dharka.

 

Suuq weynaha Bakaaraha ma sii ahaandoono suuqa ugu caasan caasimadda. Suuqa ugu caansan caasimadda wuxuu noqon doonaa kan lagu iibiyo addoomada, jaariyaatka iyo waxyaabaha maamulka uu ku soo helo Ghaniimo ahaan(Bililiqo Dagal!).

 

Arimaha Bulshada:-

 

Dumarka ku dhaqan degmooyinka ay dowladda ka arimiso waxay noqon doonaan Jaaariyaat ama addooman dagaal ay banaantahay in uu ku shaneesto nin kasto oo 4 xaas ah leh!.

 

Waxaa la mamnuuci doonaa gawaarida jabaanka iyo wadamada kale laga keeno maadaama ay dhanka bidixi kaga tallo shukaanta, waxaana lagu baddali doonaa kuwa laga keeno wadanka ingiriiska oo ay shukaanta kaga taallo dhinaca midig. Dabcan arinkan kaliya wuxuu imaan karaa haddi aanan la mamnuucin gawaarida oo dhan!.

 

Warfaafinta:-

 

Astaanta raadiyaha jamhuuriyadda waa la baddali doonaa, waxaana lagu baddali doonaa cod aan muustiko la raacinin sida "Warkiii Warkaaa, warka-warka war-ka". Dabcan wariye dumar ahna marnaba ma la ogolaan doono. Waxaan idinka hilmaamay in magaca jamhuuriyadda la baddali doono..!!

 

Waxaa idaacadda si toos ah looga sii tebin doonaa dilalka qasaaska ah, tacshiirta karbaashka ah iyo dhagxeynta dadka ay maamulka u arkaan in ay muteesteen in la deldelo.

 

Garoonka kubadda cagta ee muqdisho dib ayaa loo furi doonaa, ciyaatoydana waxaa lagu wargelin doonaa in ay cowradooda asturaan. Hadii ay dhacdo kulan ciyaaro in uu ku soo aado maalin jimca ah waxaa laga yaabaa in la hakiyo kulankaas oo la keeno goobta qof la doonayo in dhegax lagu dilo.

 

Shirkadaha sida gaar ka ah loo leeyahay:-

 

Adeegyada mobilka shirkadaha taleefanada aya waxaa ku imaan doono is baddal, tusaale ahaan, shirkkadaha "NationLink" iyo "Telesom" waxaa lagu qasbi doonaa in ay la baxaan magac carbeed oo ay ka tanaasulaan kan "Ingiriisiga" ah. Dhanka fariimaha shirkadaha ay adeegsadaan xilliyada taleefanada ay mashquulka yihiin ama ay dhici karto qofka aad waceysid in talefankiisa/taleefankeeda uu dansanyahay. Tusaale ahaan "Lambarka aad wacday wuu densanyahay ama waxbaa ka si ah. Ilaah baana og."

 

Shirkadaha xawilaadda iyagana waxaa ku imaan doono is baddal, tusaale ahaan, haddi ay lacagi kuu timaado waxaad heli doona fariin qoraal ah oo ay ku qorantahay "Fadlan lacagtaada u doono faraca ugu dhow ee shirkadeena, si aad u qadatid lacagtaada. Iska jir in aad u adeegsatid lacagtaada fusqiga. Allaa mahad leh".

 

Wariye Axmed Xasan Cowke "Abuu Jaamac" wuxuu billaabi doonaa barnaamij cusub oo la yiraado Mac-Salaamynta oo loogu tala galay mujaahidinta u socda dagaalada dibadda ka socda sida Afghanistaan iyo dhulalka kale ee qalalaasaha ka jiraan. Waxa laga yaaba in ay Liibiya wadamadas ku soo biirto hadii aysan wax is baddalin iyagoo ka hoos dagaalamdi doonna Amiirrka wadamada ka hooseeya Saxaraha "Abuu Seef-el-diin Al qadaaafi"

 

Nabi Amaanka Af-Soomaaliga ah waa la mamnuuci doonaa, waxaana lagu baddali doonaa Nashiidooyinka Afka Carabiga ah.

 

Ugu dambeyntii qoraaga maqaalkan waxaa la soo taagi doonaa maxkamad. Maya. U kaadi, maxkamad iyo qareen midna ma jiri doono. Maamulkana ma ogolaan doono falfalxumada gaalada iyo beenaha qareenada.!

 

Source : radiowiilwaal

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cawaale   

In badan oo ka mid ah waxhayaaba uu ninkan ka hadlooyo kuweesto already waaba dhacaanooyaan nooh.

Testa di merda waaxid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this