Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland government talks about the current drought situation in the horn of africa.

Recommended Posts

Xukuumada Oo ka Hadashay Abaaraha Saameeyay Dalalka Geeska Afrika

July 14th, 2011

 

Hargaysa (Somaliland.Org:-Xukuumada Somaliland ayaa markii ugu horaysay ka hadashay Abaaraha baahsan iyo macaluusha saamaysay geeska Afrika.

 

Wasiirka Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Md Faarax Cilmi (Geedoolle) ayaa sheegay in aanay Somaliland wakhtigan ka taagnayn Abaar la mid ah ta ka jirta Koonfurta Somaliya iyo meelaha kale ee ka tirsan dalalka geeska Afrika,balse ay somaliland abaartu ku xooganayd wakhtigii Gu’ga iyada oo ay bilihii ugu danbeeyay roobab ka da’een Oogada iyo Gubanka dalka kuwaasi oo jabiyay baaxadii abaarta waxaanu Wasiirku carabka ku dhuftay in imika deegaano ka mid ah Somaliland laga dareemayo xaaluf, gaar ahaana dhinaca Xeebaha.

 

Wasiirka oo shalay u waramayay laanta Af-ka Somaliga ee Idaacada BBC-da isaga oo arintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Somaliland abaartu waxay ku xooganayd wakhtigii gu’ga oo roobkii gu’ga ayaa la waayay,bilihii ugu danbeeyay ayaa waxoogaa roob ahi noo da’ay roobabkaasi oo ka da’ay Oogada iyo Gubanka labadaba,caado ma ahaan jirin in Gubanka roobabku ka da’aan xiliyadaas oo kale laakiin illaahay ayaa na siiyay,inkasta oo wakhtigan aan joogno dhulku soo kululaanaayo oo aad looga dareemaayo in uu xaaluf ka jiro dhinaca xeebaha”. Ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole.

 

Wasiirka Beeraha Somaliland Faarax Cilmi Geedoole oo sharaxaya Hay’adaha caalamiga ah ee Somaliland kala shaqeeya dhinaca saadaasha Abaaraha iyo cunto yaraaanta waxaa uu yidhi “Arimaha beeraha Hay’ada FAO ayaa nagala shaqaysa xagga saadaasha abaaraha, iyada oo noo sheegta ama noo soo gudbisa hadba waxyaabaha la saadaaliyay ee dalalka geeska Afrika,waxaa kale oo jirta qayb ka mid ah Hay’ada FAO oo la yidhaahdo SSNAU oo iyaduna ka shaqaysa oo noo sheegta qaybaha raashinka soo go’ay iyo ka soo gu’I doona iyo hadba inta ay tahay baahida jirtaa oo aduunka u sheegta, markaa taasi waxay noo suurto gelisay in Hay’adda WFP aanu kaga faa’iidaysano in ay iyaduna ka talagal ka samayso arimaha noocaas ah,inkasta oo aanay sanadkan Hay’adda WFP wax raashin ah haba yaraatee aanaan ka helin”. Ayuu yidhi Wasiirka Beeraha Somaliland.

 

Wasiirka Wasaarada Beeraha Jamhuuriyada Somaliland Md Faarax Cilmi (geedoole) waxaa kale oo uu sheegay in Wasaarada beeruhu ay si gaar ah uga shaqayso Arimaha beeraha oo keliya, balse ay jiraan Hay’ado iyo wasaarado kale oo ka shaqeeya ka hortaga abaaraha iyo cunto yaraanta dalka soo food saarta waxaanu yidhi “ Wasaarada Beeraha Somaliland iyada beeraha ayuunbaa u gaar ah,waxaa kale oo jira wasaarado kale oo ay arintani khusayso sida wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Wasaarado kale”. Ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka mar wax laga waydiiyay xukuumad ahaan in ay ka tabaabushaysteen iyo in kale Abaaraha, haddii la waayo roobabka la filayo waxaa uu ku jawaabay “Waanu ka yeelanaa shirar arimaha abaaruhuna waxa weeyaan kuwo aanu had iyo jeer wax iska waydiino,istaraatijiyadii wax lagaga qaban lahaa arimaha abaaraha waanu ku jirnaa anaga oo iskaashanayna Hay’adaha dawliga ah,Waxaa jirta guddi la yidhaahdo guddida ka hortaga abaaraha oo ka kooban lix wasaaradood iyo Hay’ada ka hortaga masiibooyinka dabiiciga ah ee (NERAD) guddidaas oo uu Guddoomiye u yahay madaxwayne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici) ”. Ayuu yidhi Faarax Cilmi Geedoole Wasiirka Beeraha Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this