Sign in to follow this  
djibsomali

North west of somalia aka somaliland is on standstill!!

Recommended Posts

After the new so called marfash government have taken office in a democratically elected model!

Instead of fullfiling the halucination dream of seccession from other have lead to seccession from all normality!

 

Well today in hargeisa, cars are in standstill and donkey's cart are doing most of goods transport!

Why?

 

because the new president have stopped anyone to import petrol, unless he is from a certain section of hiroley (small village somewhere in togdheer)!

The newly patron of petrol Mr hiroley junior have gone collect his camels from Haud and until he comes back the whole population of hargeisa have to wait!

hence penury of all petrol in hargeisa

*************************************

 

Baatroolka oo Hargeysa laga waayay, Qiimihiisa oo kor u kacay iyo safaf loo galay Kaalmaha uu ku sii pdf_button.png printButton.png emailButton.png
Written by Qaran news
Jul 04, 2011 at 04:17 AM
Hargeysa (Qaran news)-Shidaalka nooca batroolka ah ee ay Isticmaalaan gaadiidka yar yar iyo Mishiinada qaarkood ayaa gabi ahaanba laga waayay shalay magaaladda Hargeysa, marka laga reebo dhawr Kaalmood oo ay ku sii hadhsanaayeen waxoogaa Goror ah oo ay gaadiidku xalay fiidkii kuyuu ugu jireen.

Qiimaha Baatroolka ayaa haddii aad Kaalmaha qaarkood ka heshaba laga siinayay hal Dollar iyo laba boqol oo shilling, balse iyadoo ay sidaa tahay hadana waxa laga mudanayay dhib farabadan inta aad u taagan tahay, waxaana Kaalmaha qaarkood culayskii fuulay uu sababay in gaadiidka qaarkood isku jiidhaan inta ay kuyuuga ku jiraan.

 

http://www.qarannews.com/index.php?option=com_content&task=view&id=11309&Itemid=62

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ugu horayn waxaan salaamayaa shacbiga sharafta leh ee Somaliland Gude iyo Dibadba.

Waxaydinkii ogaa sidii anshaxa xumayd ee shirkadii TOTAL ee dalka iyo dadkuba abaalka ku qabeen looga saaray iyadoon cidiba hubsan bal inaynu wax aduuna ku leenay ama iyadu dayn inagu leeday! Maba xuma hadii shirkad dal laga saaro oo inagaa ikhtiyaarka leh iyadoo ay ku xidhantay hadba nooca kontaraagu yahay iyo shuruudihiisa (kind of contract and its agreement conditions).

Markii TOTAL laga caydhiyay dalka, Nasiibdarada dhacday waxay ahayd iyadoo nin Gaasta faynuusyada keena la yidhi adigu KOOTO ku qaado, oo noo keen Shiidaalka Dalkoo dhan laga isticmaalo! Hadaba waxa manta hargaysa oo ah caasimadii dalka ka dhacday, in wasiir dadkii qurba jooga ahaa ee Summertime-ka soo booqday dalka uu nin Wasiiri yidhaa Adeer Wasiir hebelbaan ahaye gaadhigii ayaa iga goostay dhiidaalkii ee I gaadhsiiya xafiiskayga!!! Waliba waxa dhinac maraya oo garanaya wasiirkan Aw Lugeeye, haayadihii UN-ta oo wadada maraya!

Hadaan intaa ka gudbo, maalin dhawayd waxaan arkayay Wasiirka Maaliyada Maxamed Xaashi (Ato Girma), waa naanaystii C/qaadir Jirde u bixiyee, oo si baan u faanaya, oon warba ka hayn in Beelihii ay maleegayaan qorshe lagaga takhaluso Dawlada taasoo kasoo unkantay: Cadaalad Xumo ay ku jirto Xaqdaradaana samee BADU BUURTA HA JIIDHEE! Waxa loo diray Ina Xaashi iyo Wasiirkii Ganacsiga Dalka Jabouti si ay u soo dawarsadaan waxoogaa shiidaala oo ay wasiiradu ku tagaan xafiisyada iyo in M/Weyne Ismaaciil Cumar Geele ka hawl galo sidii TOTAL ay dalka ugu soo laabmi lahayd. Aniguna waxaan aaminsanay Shirkad Caalamiya(International Company) oo dalyar oon la aqoonsanayn si bilaa karaamo ah u eryay inaan Ismaaciil iyo Cali toona soo celin karin. Inankii Kootada ku siiseen meeyay, ma gaastiisii ayuu ku laabtay!!? (Kuli shay irjac ilaa aslihii)

Niman isu haysta real politicians ayaa yidhaa Shirbeeleedyo waa lasoo dhaafay, waar Adeerayaal wixii lagaga soo gudbay shirbeeleedkii waxay ahyd Cadaalad iyo Sinaan , hadii lagu dhaqmi waayo Shirbeeleed waa ina daanwayne! Wax lasoo qoraana ma daweeyaan Nabar ku yaal shacbiga Somaliland: MEEDAY DAWLADNIMADII ILMA ISWANAAJE!?

Waxaan kaga baxay: SHALAYNA TOTAL AYAAN ERYAY ANIGOO SHAQSI U DANAYNAYA, MAANTANA WASIIRAAN ODHANAYAA, JABUUTI TAGA OO SOO BARYA TOTAL! ISMA QABATO MADAXWEYNE. Akhristayaasha sharafte lehoow waxa inoogu xigi doona, Wargayskii Is-Badalnews iyo Sadexgeesooda ee la socda.

S/Calaykum.

 

 

 

 

http://www.hadhwanaag.com/detail.aspx?id=40595

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this