Sign in to follow this  
Kamila

Dardaaran Islaami ah.

Recommended Posts

Kamila   

Salaamu caleeykum wr wb walaalayeehga Muslimka ahoow,

 

Waxaan halkaan idinkaaga soo gudbinayaa dadaaramo uu noo dar daarmay Shiiq Boqolsoon Ilaah ha u naxariistee asiga iyo walidkiisaba.

 

walaalyaal waxaan idinka barayaa in aad hal mar waqtigiinsa siisaan Daraankaan uu noo dardaarmay walaalkeen Muslimka ah anagana Ilaah hanaga dhigo ku wii qaato oo sideey tahay ugu dhaqmo Insha alaah.

 

Sheikh Boqolsoon iyo daraankii uu noo dar daarmay:

 

Alaah (SWT) waxuu noo dar daarmay dardaaran aad iyo aad u wanaagsan oo ah in asaga laga cabsado Rasuulkuna taas ayuu noo dar daaramay (SCW).

 

Halka Kan waxaan ka soo jeedin doonaa hadii Ilaah Idmo dardaaramo Islaami ah oo aad u hagaagsan Rabina hanaga dhigo dadkeey anfacaan.

Alaah (SWT) waxuu noo dardaaarmay anaga iyo kuwii naga horeeyeyba in aan amarkiisa qaadano oo aan diintiisa Ilaalino.

 

Rasuulka (SCW) waxuu yiri: waxaan idin dardaarmayaa cabsida Ale iyo Ilaalinta Diinta Islamka.

waxaan idin dardaarmayaa inaad Ismaqashaan oo is adeecdaan oo Diinta Islamka isku hogaamidaan.

 

Cabsida Ale waxeey tahay Rabi in la adeeco awaamirtiisa la fartoomo Nawaahidiisa laga haro Cabsida Ale oo ah in awaamirtiisa la ilaaliyo iyo waxii ka reebay laga tagaa, waa Aduunka iyo Akhirada miraha lagu liibaano.

 

Hadaba Halka kan wasaa Islaamiya oo Qeyma badan oo mawaadiic Muqtalif ka hadleeysa Xaga Cibaada, xaga mucaamalada, xaga aqlaaqda iyo adaabta iyo sha’uunta kale xayaatada ayaan ka soo wajahayaa Hadii Rabi Qadaro (SWT).

Axad walba ee Muslim ah oo ku dadaalaya in uu Diinta ale garta ayey anfici doontaa.

 

Ale (SWT) waxaan ka rajeeynayaa in uu ku anfaco axad walba oo ay gaarto dardaarankaasu anagana oow naga dhigo kuwo ay anfacdo iyo Muslimiinta ayagu dardaaramada jamciya ama isku daya in isku aruuriyaan.

 

Hadaba Kaafiga aan kalmaha ka dalbeyna waa Alaah AXASBUNALAAH WA NIMCAL WAKIIL LA XAWLA WALAA QUWATA ILAA BILAAH dardaaranku waa sida Imaan doonta.

 

Nuqdada igu horeeyda waxaa weeye AQLI FINIYATI LILAAHI TACAALAA WAX DIRA RIYAA FIL QAWLI WAL CAMAL.

Akhil Muslim wa Ukhtil Muslimah Niyadaada Rabi u qalis oo Camal kaaga saafi ka dhig oo Istus tuska iyo halagugu arko ka dig toonaaw oo iska ilaali Camal kaaga ka dhorw Niyadaada qalis oo Rabiga Ku qalqay u saafi gareey oo halagugu arko waxa la yiraahdana ka ilaali qawlkaaga iyo camal kaaga.

 

Hadaba Akhil Muslim Wa Ukhtil Muslimah Iqlaasku waa shay laga maar maan ah oo aan la aantiis camalka waxba tareeynin shayga Riyaha La yiraah oo halguugu arkana waa wax xun.

 

Nuqdada Labaad waxaa weeye waxaad raacdaa Sunada Muxamed diyada ah oo Nabi Maxamed loo Nisbeeyey (SCW). Hadalada aad ku hadleeysid oo dhan iyo ca’faashaada oo odil iyo aqlaaqdaadaba waxaad ku raacdaa Sunada Nabiga (SCW).

Sunada Nabiga Meel aan aheen ha marin, waxaan Sunada kuu ogaleyn haku hadlin, waxaan Sunada ku ogaleyn ha fulinin, waxaan Sunada kuu ogaleyn dabeeca iyo dhaqan haka dhiganin.

 

Nuqdada kale waxaa weeye oo sadaxaad ITAQILAAH TACALAA RABIGA KU QALAQY KA CABSO waxaadna ku dadaashaa ood Rabigaaga ugu cabsataa wax ale waxii oo Rabi kuu diray falitaan kooda iyo waxii Rabi kaa reebay oo dhan ka tagi taan kooda, ALAAH ka cabso waxii ow kuu diray falitaan kooda Ale uga cabso waxii ow kaa reebay oo dhan ka tagi taankooda Ale uga cabso.

 

Akhil Muslim wa Ukhtil Muslimah Xaqa Ilaalintiisa ku dadaala Cabsida ale ilaaliya waxii Rabi Naga reebay oo dhan halaga tago, Ale (SWT) haloo toobad keeno toobad Nasuuxa ah.

 

Akhil Muslim wa Ukhtil Muslimah Rabigaa Ulaabo Tooba Nasuuxa oo wanaagsan la imaad Istiqfaartana badi, Istiqfaarta badi, Tooba keenka ku dadaal carabkaaga iyo gacmahaaga xumaan ka ilaali danbiga aad gashay ha fududeeysanin ee Rabi gaaga ulaabo.

 

Nuqdada kale waxa weeye Rabiga ku qalqay waa inaad muraaqabeeysaa xarakaad kaaga uu oo idil dhaqdhaqaaqaga oo dhan iyo xasiloonidaada oo idil waa inaad ogaataa ALAAH inuu ku arkayo oo ku maqlayo waxa damiirkaaga ku qarisayna uu ogyahay.

 

Akhil Muslim wa ukhtil Muslimah Rabiga Idin qalqay muraaqabeeya, xarakaadkaaga waa dhaqdhaqaaqaga oo idile iyo xarakaad la aantaada waa fadhintaada ama jiifkaaga eh. Rabi waa kan arkaye ee Rabigaaga muraaqabeey oo awaamirtiisa Ilaali wa inaad ogaataa Alaah in uu ku arkayo Hadalkaaga ow maqlayo Damiirkaagana waxa ku jirana ow ku cilmi leeyahay.

 

Akhil Muslim wa Ukhtal Muslimah ha is oranin Rabigaaga kuma daalacanayo ama qof Heblo kuuma jeedee sidaad doonta yeel arinkaas asaga ah haku fakarin.

 

Nuqdada kale waxeey tahay Akhil Muslim wa ukhtil Muslimah Alaah Rumeey Rumeeyn Saxiix ah malaa’igtiisa Rumeey oo cisiyaanka Iska dey yaanan lagaa qorine Kutubta Rabi soo dajiyey Rumeey oo Quraanka si dhab ha u ugu dhaqan Rususha Rabi soo diray rumeey oo Dariiqii Nabi Muxamed Mar (SCW) Maalinta Aakhirada oo waxa aad Janada ku gaareeyso ku dadaal waxa lagugu cadaabayana ka tag khadarka rumeey wax kasta oo kugu yimaado kheer iyo shar xaga Rabi in ay ka yimaadeen.

 

Akhil Muslim wa ukhtal muslimah si dhab ah waa inaad u aamintaa Alaah malaa’igtiisa aad rumeeysaa Kutubtiisa aad rumeeysaa Rusushiisa aad rumeeydaa Maalinta akhirana aad u diyaar garoowdo oo aad rumeeysaa waa inaad khadarka rumeeysaa wax kastoo kugu yimaado shar iyo kheer waxeey doonaan ha ahaadaane.

 

Akhil Muslim wa Ukhtal Muslimah miyaadan ogeyn wax aan imaanka aheen inaysan wax anficin iyo raacida Nabiga (SCW).

Akhil Muslim wa ukhtal muslimah ha saarsanin adiga kheeryka saarsi indha la aan ah saarsi indho la aan ah oodan qofka xaq ku saarsan oodan wanaag diini ku raacin ha saarsanin hana noqonin qofka imacada la yiraah oo yiraah dadka hadeey hagaagaan waan hagaagi hadeey halaaban waan halaabi dariiqaan doonaa dadka la mari dadka nocaas oo kale ha noqonin Rabigaa ka baqoo is ilaali.

Alaah (SWT) ka cabso oo si dhab isku ilaali oo Diinta Islaamka seytahay ugu soco.

Saarsi Indho la’aan ah adiga kheerkaa ha saarsanin imacana ha noqonin macnahaas garo waxa ow yahay axad baadil haku raacin oo hebel baa yiri shaygaa ha u sameeynin ee hadoow nasuusta waa faqo ku raac Haduu waa fiqi waayana ka tag .

 

Nuqdada kale waxaa weeye Akhil Muslim wa ukhtal Muslimah waa inaa ahaataa mid u dhaqa oo u dag daga kheerka sameyntiisa si lagaaga ajar siiyo oo aad u gaarto dadka adiga kugu dayda yacni sawaabka ay helayaan mid la mid ah. Macnuhu waxaa weeye kheerka sameyn tiisa u dag dag halaga ajar siiyee kheerkaa dadka kaaga dayda ajriga loo qoro oo kale aad yeelatide waligaa kheerka halagaga daydo oo kheerka dag dag. Nasuusta ilaalinteeda, Sunada Nooleynteeda, kheerka fulitaankiisa wa inaa ku dadaashaa mar walbaba wa inaa si dhab u ilaalisaa Kitaabka Ale iyo Sunada Nabiga waa inaa Nafsadaada qaladaadka iyo xaraanta ka ilaalisaa xaqana aad si dhab ah ugu socotaa aad beey u hagaagsan tahaye Muslimka kaamilka ah awaamirta Ale ayuu fuliyaa Nawaahida ale ayow ka haraa Rasuulka ayow racaa (SCW) Maalinta abaal marinta ayuu u diyaarsan yahay sidaas ayaa lagu yaqanaa.

 

Akhil Muslim wa Ukhtal Muslimah Yaan kheerka lagaaga hor marin yaan abaal marinta Ale wanaagsan lagaa bad sanin yaan wanaaga lagaaga horeeynin yaan siraadka lagaaga tagin yaan sakhara naareed lagu seexinin ee Sunada Nabiga Ilaali oo qof wanaagsan noqo oo ku dayo Nabiga (SCW).

 

Akhil Muslim wa Ukhtal Muslimah wa inaa keed sataa Kitaabka Quraanka ah oo Nafsadaada u akhirsaa reerkaaga aad u akhridaa oo aad ku naqantaa wa inaa keedeysataa wa inaa naqan ka dhiga tagaa ………………………………………Muxaadardaan wali way sii socotaa lakiinse Gadaal ayaan ka soo dhameeys tirayaa hadii Rabi Qadaro

 

Insha Alaah Ilaah hanaga dhigo ku wii ku dhaqma ee racaa dacadaa Alaah iyo Dariiqa toosan walaasheeyda Muslimada aheedeey iyo walaalkeeyga Muslimka ahaaw aan Isku Hogaamino Dariiqa toosan aduunka waa laba Maalmood Nolosha dheer waxeey jirtaa akhiro ee aan u tabaabusheeysano yaanan dhal dhalaalka aduunka is raacsiini ma ogid goorteey nafta kaa baxeeyso ee aan Alaah U toobad keeno.

 

Halahaas ayaan uga baxaayaa maanta Insha Alaah Ilaah.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq.

 

_______________Kamila_______________________

A Muslim has to conteinue worshipping Allaah as long as he is alive.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this