Sign in to follow this  
Che -Guevara

Sheikh Sharif-'Anaguna qiyaano qaran ma gelin'

Recommended Posts

Madaxweyne Shariif " Madhaqan gali doono heshiiskii Kambaala ilaa inta Baarlamaanka laga horkeeno anaguna qiyaano qaran ma gelin"

 

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomalaiya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uusan dhaqan gelin doonin heshiiskii lagu saxeexay magaalada kambaala ee Dalka Uganada ilaa heshiiskaasi uu ka meel mariyo Baarlmaanka KMG Soomaaliya.

 

Shariif Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi uu u arko in ay ku jirto danta umda Soomaaliyeed hasayeeshee ay jiro karto in lagu aragti duwanaado islamarkaana waxa uu meesha ka saaray in isaga iyo Shariif Xasan ay galeen qiyaano qaran.

 

"Madhaqan gali doono heshiiskii Kambaala ilaa inta Baarlamaanka laga horkeeno anaguna qiyaano qaran ma gelin, waa jirtaa kala aragti duwanaan laakin dhamaanteena wadanka waan u adeegnaa" yiri Shariif Sheekh Axmed.

 

Madaxweynaha Dowladda KKMG ayaa hadalkaan ka sheegay qudabad shalay uu ka jeediyey fadhigii Baarlmaanka Soomaaliya ee codka kalsoonida ah lagu siiyey Ra'iisul Wasaarahii uu soo magacaabay ee C/Wali Maxamed Cali (Gaas).

 

Hoyga wararka Somaliyeed

www.jowhar.com

jowharcom@hotmail.com

jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Madhaqan gali doono
heshiiskii Kambaala ilaa inta
B
aarlamaanka laga horkeeno
anaguna qiyaano qaran ma gelin

intuu dhaqan galey baa ninkii ummada wax u qabanayey laga takhalusey, intaan la eryin Farmaajo ayey aheyd in Barlamaanka la horkeeno heshiiska Kampala, hada xuu taraa hee.

 

illowsha dhawaa ma ummul baa, hangaraarac ku qaniin Ilaah ithinkiis.

Share this post


Link to post
Share on other sites

nuune waa runtaa walaal arinkaas mar horaa madaxa lagu socodsiiyay , meeshana wax baarlamaan la yiraahdo oo shaqeeya ma jirto xitaa ayagii baa qiranaya in hadalkooda uusan qiima lahayn ee sakiin go,aanka gaaro .

kalfadhiyada baarlamaankana malahan waqti go'an oo la furo ama la xiro waqtiguu sakin doona ayaa lafuraa waqtiguu rabana wuu xiraa .

hadey soomaalida xidaa wexey dhoodhoobteen eey raaci lahaayeen dhibba muusan dhaceen , mashaqaduse waa waxaan doona baan suubin .

Share this post


Link to post
Share on other sites

qiyaano qaran maanan galin

oo maxey tahay qiyaanada ,meysan ahayn in wixii laysku ogaa oo laga baxo , sow tii farmaajo iyo sh shariif eey diideen shirkii nairobi ee qeyba badan kasoo qeyb galeen ,mexeysa tahay farqiga u dhaxeeya kii nairobi iyo kan kampala , kii nairobi baaba dhaamaye ,hadiisa qaanuunka dalka aad ka weecato eed abaarto wixii hamigaada uu kuu sheegay sow ma ahan qayaano qaran mexeysa tahay jagada sh shariif hadiiba askari xun oo ugandes ah u caga jugleynayo PM ,kasoo shacabka taageerada ugu badneyd ka helay . halkeesa lagu arkay afhayeen baarlamaan oo latartamaya madaxweyne dal .

waaba yaab ,meeshu waa leyska cayaarayaa , qoom kalana indhahey usoo xirteen oo labada kaley toogan rabaan cajiiiiiiiiiiiiiiiiib!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this