Sign in to follow this  
Qorax

Farah Macalin ( deputy speaker of the Kenyan parliament) supports the protest agains Kampala Accord

Recommended Posts

Qorax   

faarax_macalin.jpg

 

 

 

Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya: “Shacabka Soomaaliyeed waa inay ka hortagaan in dib loo soo celiyo Boobkii iyo masuq maasuqii lagu hayay hantida Shabka Soomaaliyeed..”

 

Faarax Macalin Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya ayaa sheegay Dowlada Kenya ay taageerayso dibadbaxyada looga soo horjeeda heshiiskii ka dhacay magaalada Kampala, wuxuuna sheegay in shacbka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay sii wadaan dibad baxyada.

 

“Waxaa dhaanta in shacabka Soomaaliyeed iyagoo xaqooda u dagaalamaya inay sarjooga ku dhintaan intii shacabku dulinimo ku jiri lahaayeen” ayuu yiri Faarax Macalin oo sheegay in shacabka soomaaliyeed ay yihiin kuwoo aanan ogolayn in dal kale dalkooda looga taliyo.

 

Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay la xisaabtamaan dowladda, islamarkaana ogaadaan meesha ay ku baxayso hantida.

 

“Dowladaaan waxaan maqlay inay hor istaagtay boobkii lagu hayay hantidii Dekadda, islamarkaana joojisay Mushaar la’aantii shaqaalaha oo ay u heshay Mushaaraad, sidoo kale Ciidamadii ay mushaar siisay, waxaa la doonayaa hada in dib loo soo celiyo boobkii lagu hayay Hantidii Ummadda, shacabku taasi waa in ay ka hortagaan” ayuu yiri Faarax Macalin oo sheegay in dowladaan cusub ay yihii dad wadiniyiin ah oo aan rabin inay boobaan Hantida Umadda.

 

Waxa uu sidoo kale heegay Faarax Macalin Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Dalka Kenya in dibad baxyada ka socda Soomaaliya ay la imaan karaan is badel dag dag ah hadii shacabka ay sii laba jibaaraan banaanbaxyadaasi ay wadaan.

 

“Caqabada Soomaaliya haysato waa dalalka deriska ah, Soomaaliya loogama talin karo dalalka Uganda, Itoobiya iyo Kenya, waxayna rabaan dalalkaasi in Soomaaliya sida ay rabaan ka yeeshaan, waxaana loo baahan yahay in shacabka Soomaaliyeed ay ka dhiidhiyaan arintaasi” ayuu mar kale yiri Gudoomiye ku xigeenka barlamaanka dalka Kenya Faarax Macalin.

 

Dhinaca kale Gudoomiye ku xigeen ka Baarlamaaka Kenya wuxuu ugu baaqay baarlamaanka Soomaaliya in dib u soo ceshtaan kalsoonida Shacabka Soomaaliyeed ay ku lahaayeen , taasi oo uu sheegay inay tahay mid aad u laciif ah.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this