Sign in to follow this  
Siciid1986

War deg deg ah Ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo soo gaadhay Balihadhac

Recommended Posts

War deg deg ah Ciidamada qalabka sida ee Somaliland oo soo gaadhay Balihadhac

ciidanka3.jpg

 

MONDAY, 13 JUNE 2011

Togdheernews wararka ka imanaya dhinaca bali-hadhac ee ka tirsan deegaanka Buuhoodle ayaa sheegaya inay h

alkaa soo gaadheen ciidamo ka tirsan kuwa qaranka ee somaliland ku waa soo wararku sheegayaan inay ka qaybqaadan doonaan nabadgelyada shirka la filayo inuu kadhaco 20ka bishan gudaha magaalada Widhwidh kaa soo uu ku baaqay m/weyne silaanyo in si nabada lagu dhameeyo khilaafka halkaa ka taagan in mudo ahba, isna xagiisa wuxuu xoghayaha birmadka ssc ugu baaqay kooxda inay dhamaan ka soo qaybgalaan shirkaa nabada.

 

 

 

Hadaba Wararka Hada naga soo gaadhay Deegaanka Balihadhac oo katirsan Degmada Widh Widh oo katirsan Gobolka Buuhoodle ayaa ku soo Waramaya in Deegaankaasi ay soo gaadheen Ciidamo katirsan xooga dalka somaliland oo ku hubaysan Gawaadhida dagaalka oo ah Ciidamo farabadan. Warkani oo ah mid xaqiiqda ku salaysan ayaa Guud ahaanba Markii Ciidamadaasi soo gaadheen Deegaankaasi Waxa ay fariisimo ku Meel Gaadh ah ka samaysteen Duleedka Magaalada Balihadhac.

 

Warar Hordhac ah oo aanu Deegaanka ka helnaya ayaana sheegay in Ciidamadaasi ku soo Wajahan yihiin Dhinaca Degmada Widh Widh maalinta Beri ah,ayadoo lagu Wado inay soo gaadhaan Magaalada Widh Widh oo balanku yahay inuu shirku ka bilowdo 20ka bishan oo ku beegan maalinta isniinta ah ee soo socota.halkaas oo ay isugu imanayaan ergo ka kala socda dhanka bulshada gobolada Sool iyo Buuhoodle iyo xaga Hargaysa oo ay ka imanayaan wafti uga qaybgelaysa shirkaani nabada ee uu ku baaqay Md m/weyne Silaanyo.

wixii warar cusub ku soo kordha arinkan kala socda halkan…..

 

http://www.togdheernews.com//index.php?option=com_content&task=view&id=8595&Itemid=1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this