Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland president Ahmed Siilaanyo reshuffles his cabinet and appoints new key ministers

Recommended Posts

Madaxweynaha isku shaandhayn ku sameeyey Golihiisa Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, isla markaana magacaabay wasarado cusub

Hargeysa(Waaheen) Madaxweyne Siilaanyo oo si rasmi ah u soo saaray isku shaandhayn Golihiisa Wasiiradda iyo Agaasimayaal Guud sidoo kale waxa uu magacaabay wasaarado Cusub

 

War-saxaafadeed uu soo saaray Madaxweynuhuna waxa uu u dhignaa:-

 

1. Abdirisak elmi osmaan waxa loo magacabay wasirka wasarada dib u dejinta

 

2. Mahamoud sead mahamoud gacmay waxa loo magaacabay wasirka wasarada deeganka iyo horumarinta reer miiyiga

 

3. Dr.mahamed rashid sheikh hassan waxa loo magaacabay wasirul dowlaha wasaarada dibada

 

4. Xirsi cali xaji xassan waxa loo magacabay wasirka madaxtooyada

 

5. Cabdi siciid faahiye waxa loo magacaabay wasiirka ciyaaraha, dhalinyarada iyo dhaqanka

 

6. Maxamed saqadhi dubad waxa loo magacaabay taliyaha ciidanka boliska somaliland

 

7. Xussen axmed caydiid (ex wasiirkii hore ee howlaha guud) waxa loo magaacabay wasaarada cadaalada iyo garsoorka

 

8. Ismaacil muumin aar (ex wasiirkii hore ee cadaalada) waxa loo magaacabay wasaarada howlaha guud

 

9. maxamuud raage ibaraahin waxa loo magaacabay agasimaha guud ee wasaarada arimaha dibada

 

10. axmed dalal faarax waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada dulista hawada

 

11. maxamed muse xaji cabdi galaydh waxa loo magacaabay agasimaha guud ee wasarada cadaalada iyo garsoorka

 

12. maxamed faarax xirsi waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada deeganka iyo hurumarinta reer miyiga

 

13. maxamed sheekh xassan nuuriye waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada qorshanaynta qaranka

 

14. siciid axmed jibriil waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo biyaha

 

15. axmed cilmi bare waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada dib u dajinta

 

16. xassan cabdi madar waxa loo magaacabay agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada.

 

MADAX WAYNUHU WAXA UU XILALKII AY HAYEEN KA QAADAY KUWAN SOO SOCDA.

 

1. cilmi roble fure taliyihii hore ee ciidanka booliska somaliland

 

2. mahamed ibrahin madar wasiirkii hore ee ciyaaraha dhalinyarada iyo dhaqanka

 

3. siciid cali wayrax agaasimihii guud ee wasaarada arimaha dibada

 

4. axmed nuux caalin agasimihii hore ee macdanta iyo biyaha

 

5. axmed cabdilahi rooraaye agasimihii guud ee wasaarada dib u dajinta

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Oo Isku Shaandheyn Ku Sameeyay Xukuumadiisa

 

June 11th, 2011

 

Waxa Taliyaha Ciidanka Booliska loo magacaabay Gen. Maxamed Saqadhi Dubad

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa isku shaandheyn ku sameeyay xukuumadiisa waxaanu xilalkii ka qaaday Wasiirkii dhalinyarada iyo ciyaaraha Maxamed Ibraahim Madar, Taliyihii ciidanka Booliska Gen. Cilmi Rooble Furre iyo qaar ka mid ah agaasimeyaal guud.

 

Madaxweynuhu waxa uu soo celiyay oo uu magacaabay Taliyihii Ciidanka Booliska Gen. Maxamed Saqadhi Dubad.sidaasna waxa lagu sheegay war saxaafadeed ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland oo u qornaa sidan:-

 

“Madaxweynaha JSL Mudane: AXMED MAXAMED MAXAMUUD (SIILAANYO)

 

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, faqradiisa (2)aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda wayn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka,

 

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinkan hoos ku xusan,

 

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo,

 

Markuu ku Qancay: In ay hanan karaan xilalka loo magacaabay.

 

Waxa uu maanta Digreetooyin Madaxweyne ku magacaabay Wasaaraddo Cusub iyo Wasiiradii xilalkaa buuxin lahaa sidoo kale waxa uu madaxweynuhu isku shaandhayn ku sameeyey Wasiirada iyo Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Dalka, Halka uu madaxweynuhu Digreeto madaxweyne Xilalkii kaga qaaday Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska JSL iyo Wasiirkii Hore ee Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha, waxaanu madaxweynuhu Magacaabay Masuuliyiintii Xilalkaa buuxin lahayd.

 

Waxaanay kala yihiin sidan

 

NO

Magacyada Masuuliyiinta Cusub

Magacaabida

Wasaarada loomagacaabay

 

1-Cabdirisaaq Cali Cismaan

Waxa loo magacaabay

Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta

 

2- Maxamuud Siciid Maxamuud (Gacmay)

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer miyiga

 

3- Dr. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan

Waxa loo magacaaba Wasiiru Dawladaha Wasaaaradda Arrimaha Debeda

 

4-Xirsi Cali Xaaji Xasan

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada

 

5- Cabdi Siciid Faahiye

Waxa loo magacaaba Wasiirka Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

 

6-Maxamed Saqadhi Dubad

Waxa loo magacaaba

Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL

 

7- Xuseen Axmed Caydiid

(Hore u ahaa Wasiirka Hawlaha Guud)

Waxa loo magacaaba

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka

 

8- Ismaaciil Muumin Aar

 

(Hore u ahaa Wasiirka Cadaalada)

Waxa loo magacaabaWasiirka Wasaarada Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

 

9-Maxamuud Raage Ibraahim

Waxa loo magacaaba

Agaasiamah Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo iskaashiga Caalamiga ah

 

10- Axmed Dalal Faarax

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Duulista Hawada

 

11- Maxamed Muuse Xaaji Cabdi (Galaydh)

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaalada iyo Garsoorka

 

12- Maxamed Faarax Xirsi

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horu-marinta Reer Miyiga

 

13-Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horu-marinta

 

14- Siciid Axmed Jibriil

Waxa loo magacaaba

Agaasiamaha Guud ee Wasaaradda Macdanta, Biyaha iyo Tamarta

 

15-Axmed Cilmi Barre

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dib-u-dejinta

 

16-Xasan Cabdi Madar

Waxa loo magacaaba

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada

 

Madaxweynuhu waxa uu Digreetooyinka Magacaabista, Xilka Qaadista iyo isku shaandhaynta ku amray masuuliyiinta ay khusayso in ay sida ugu dhakhsaha badan ula kala wareegaan Xilalka loo igmaday.

 

Madaxweynuhu isagoo ixtiraam u haya ugana mahadnaqaya mudadii ay xilkaa hayeen balse sunaha dawladnimo ay ku jirto xilka qaadista iyo Magacaabiduba waxa uu xilalkii ay hayeen ka qaaday

 

No

Magaca Mudanaha Xilka laga qaaday

Xilka uu hayey

 

1-Cilmi Rooble Furre

Taliyihii Hore ee Ciidanka Booliiska JSL

 

2-Maxamed Ibraahim Madar

Wasiirkii Hore ee Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka

 

3-Siciid Cali Wayrax

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

 

4-Axmed Nuux Caalin

Agaasimihii Guud ee Hore ee Macdanta, Biyaha iyo Tamarta

 

5-Axmed Cabdilaahi Rooraaye

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Dib-u-dejinta.”

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well Africa the president reshuffle somes just before one year reign of president Siilaanyo in office there aren't crucial changes though here and there he replaced some of the director generals. The Chief of cabinet Mr Xirsi get's his own possition Minister of state for Presidential Affairs.And he added another Ministery the Ministary of pastoral and environment .And the Minister of youth affairs and sports was sacked due to poor performance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

AfricaOwn;728025 wrote:
^^So this is a bigger cabinet then Riyaale's?

No not really there are about 22 Ministry's right now rayaale had over 40 not to forget the deputy and the so called state Ministers

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaaji Xunjuf;728027 wrote:
No not really there are about 22 Ministry's right now rayaale had over 40 not to forget the deputy and the so called state Ministers

That's a huge size difference I say. Where did the cut backs come from? any idea.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this