Sign in to follow this  
Che -Guevara

Qof ku dhintay saddex kalena oo ku dhaawacmay banaan baxyada

Recommended Posts

Banaan baxyada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa sii xoogeystay, iyadoo qasaarihii u horeeyay la soo sheegay inay ka dhasheen banaan baxyada, kadib markii rasaas lala beegsaday dadka banaan baxayay.

 

Nin Hubeysan oo ka mid ahaa Ilaalada Hotelka Madiina ayaa dilay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ah dadkii banaan baxayay, iyadoo saddex kale ay ku dhaawacmeen rasaastaas, iyadoo banaan baxa kadib uu isku bedelay mid rabshado wata.

 

Wararka ayaa sheegaya in dibad baxayaal careysan ay dhagxaan la dhaceen Hotelka, ayna jejebiyeen muraayadaha Hotelka, sidoo kale waxaa la soo sheegay inay gudaha u galeen Hotelka tiro ka mid ah dibad baxayaasha.

 

Dadweynaha oo ka careysan dilka loo geystay wiilka dhalinyarada iyo saddexda kale ee la dhaawacay ayaa waxay dhagxaan la dhaceen Gaadiid yaalay Hotelka, kuwaasoo aad u fara badnaa, waxaana Hotelka Madiina ee degmada Xamar Jajab soo buuxiyay Ciidamo fara badan oo ka tirsan Dowladda.

 

Ciidamada Dowladda ayaa la sheegay inay qabteen mid ka mid ah shaqaalaha Hotelka iyo ruuxii kale ee la sheegay inuu rasaasta furay, iyadoo Ciidamada aan wax dhibaato ah u geysan shacabkii banaan baxayay.

 

Xaalada ayaa ah mid kacsan iyadoo banaan baxyada ay u muuqdana kuwo isu rogaya mid rabshado wata.

 

Dhinaca kale Afar ruux kale ayaa la sheegay inay ku dhaawacmeen halka askari ka tirsan Dowladda uu ku dhintay rasaas lagu furay dad dibad baxayay degmada Wada Jir iyo Dharkeenley, dadkaas oo saaka socod ku soo maray degmooyinkaas.

 

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda ay rasaas ku fureen dadkaas dibad baxayay, kuwaasoo watay sawirka Ra'iisul Wasaaraha kuna qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah Labada Shariif.

Ilaa iyo hada banaan baxyada waxaa soconayaan, isu socodkii gaadiidka ayaa ah mid hakad ku jiran dadkana aad bey u careysan yihiin, sida uu ku soo waramayo Wariyaha Jowhar.com dadweynaha dibad baxayay ayaa la jaanqaadayay banaan baxyada ka dhacay dalalka Carabta, oo ay geesinimo dheeraad ah ka qaadeen.

 

Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.

 

Jowhar.com daqiiqad kasta ha moogaan, kala soco wararka banaan baxyada

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this