Sign in to follow this  
Saalax

QM oo soo dhoweeysay heshiiska masuuliyiinta dowladda

Recommended Posts

Saalax   

Qm ayaa soo dhoweeysay heshiiskii madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee Soomaliya ku gaareen magaalada Kambala ee dalka Uganda,kaasi oo ay ka mid tahay in muddo sanad ah loogu daro DKMG ah ee Somaliya islamarkaana la magacaabo ra’isal wasaare cusub.

 

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska wakiilka QM ee Somaliya Augustine Mahiga ayaa lagu sheegay inuu soo dhoweynayo heshiiska dalka Uganda ay ku gaareen madaxwaynaha iyo gudoomiyaha baarlamaanka ee Somaliya,waxaana uu sheegay in heshiiskan uu soo afjaryo khilaafkii dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeyay madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

A.Mahiga ayaa sheegay inuu ka codsanayo masuuliyiinta dowlada ee heshiiska ku gaaray magaalada Kambala inay ka shaqeeyaan sidii nabad iyo xasilooni dib loogu soo celin lahaa dalka Somaliya, islamarkaana ay fuliso heshiisyadii ay horay ula gashay maamulka Puntland iyo Ahlu-sunah Waljamaaca.

 

Hadalka QM ayaa ku soo beegmaya xilli magaalada Muqdisho uu maanta uu ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo heshiiska masuuliyiinta Dowladda KMG Somaliya ay ku gaareen magaala Kambala.

 

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this