Sign in to follow this  
Qorax

Xukuumada Farmaajo oo gilgileyneysa

Recommended Posts

Qorax   

Kn: Waxaa soo baxaya ifafaalooyin muujinaya in khilaafka u dhaxeeya labbada Shariif ay gundhig u tahay xukuumada Farmaajo oo uu Shariif Xassan u arko in isaga aanan waxbo laga siinin.

 

 

Arrintani waxa ay soo shaacbaxday mar maanta isagoo shir jaraa’id ka hadlaya uu Farmaajo cadeeyey halka ay sartu ka quruntay, waxa uu sheegey in gudoomiyaha baarlamaanka uu yahay nin danayste ah oo doonaya in danahiisa gaarka ah uu dowladda ka dhex fushado.

 

Farmaajo waxa uu sheegey in xukuumadiisa ay ka shaqayn la’dahay gudoomiyaha baarlamaanka oo uu yiri “wuxuu doonayaa in uu dumiyo xukuumadan si xukuumada cusub ee lasoo dhisayo uu ugu yeesho xubno wasiiro cusub, taasina ma ahan wax aan ka yeelayo” ayuu yiri Farmaajo.

Waxa uu intaasi ku daray in afhayeenka baarlamaanka uu mudo bilooyin ah diidanaa in xukuumadda iyo gudoonka baarlamaanka ay kulmaan, balse Shariif Xassan uu shuruud ka dhigey in ay isaga kulmaan si uu “kaligiis u shukaansado”, wuxuu yiri “ma doonayo in ay noqoto shaqsi mid kale la kulmaya, ee waa iney noqdaan hey’ado dastuuri ah oo kulmaya” .

 

“wixii uu innaga naga diidey ayuu ka ogolaaday kooxda xiriirka Soomaaliya oo ansixisey in muddo sanad ah loo kordhiyo dowladda Soomaaliya”.

 

Shirka jaraa’id waxa kale oo uu Ra’isul wasaaraha ku sheegey in dib loo dhigey shirkii wadatashiga ee bisha June la qaban lahaa maadaamaa gorgortan siyaasadeed ay wixii galeen.

 

Wararka Kampala kasoo baxaya ayaa sheegaya in labbada Shariif isfaham laga gaaray kadib markii loogu hanjabay in la xirayo, sharcigana lala tiigsanayo, ama ugu yaraan dowladda oo dhan garabkeeda laga baxayo haddii ay qasab ku dhamayn waayaan khilaafkooda.

 

Kampala caawo waxaa ku hoyanaya Farmaajo oo maanta sheegey in haddii waxa labada Shariif ku heshiiyeen ay noqdaan wax aan ummada dan u ahayn uusan isaga aqbali doonin, dabcan waxaa ka mid ah in xukuumadda marka ay ugu yartahay la’isku shaandheeyo si markaasina wasiirada uu Shariif Xassan doonayo loogu soo daro.

 

Ra’isulwasaare Farmaajo ayaa muujiyey hogaan wanaag, isagoo si cad isu hortaagay waxyaalo badan oo dhibaato ahaa, laakiin sida ay sheegayaan dadka siyaasada u dhuunduleela, Farmaajo dookhyada uu heysto aad beey u yaryihiin marka laga hadlayo meesha ay wax gaareen iyo culeyska beesha caalamka ka heysta in xal la gaaro kaasi oo waliba ayaga u dan ah.

 

Mid ka mid ah sababaha la odorasayo in uu Shariif Xassan u doonayo in uu golaha wasiirada ku yeesho rag uu isaga soo magacaabay ayaa ah in marka uu dantiisa ka waayo meesha uu ku amri karo in ay xukuumada iska casilaan, kadibna dhasho qalalaase siyaasadeed oo marka dambe qasba in xukuumada oo dhan ay dhacdo sidii marar badan oo hore dhacday.

 

Mid ka mid ah waxyaalaha uu ku doodayo Shariif Xassan ayaa waxaa ka mid ah in xukuumada aanan lagu salaynin awoodqeybsiga beelaha ee ay dowladdu ku dhisantahay, isagana uu ku hadlayo codka baarlamaanka oo matala beelaha oo dhan, waxaa la fahamsanyahay in uu gudbiyey diiwaanka magacyada wasiirada iyo beelaha ay kasoo kala jeedaan, isagoo diiwaan kalana ku bandhigey beelaha aanan wasiirada helin.

 

Shariif Xassan waxa uu si weyn ugu ololeeyey in la qabto doorasho madaxweyne oo uu isaga isu soo taagi lahaa bisha August ka hor, laakiin maadaamaa taasi aysan suurogalin waxa uu hubanti ka dhigayaa in uu awooda xukuumada ugu yaraan wax ka helo, sidaasi waxaa qaba dad badan oo koox ah oo aan kala hadalnay arrinkani 12kii saac ee ugu dambeeyey.

 

24ka saac ee soo socda Kampala waxaa laga filan karaa go’aano waaweyn ama fajacisooyin hor leh oo dalka murugo kale usii horseeda. Warar hor dhac ah oon helaynana waxay sheegayaan in labada Shariif iyo beesha caalamku ay ku heshiiyeen in labada hay`adoodba loogu daro mudo sanad ah kadibna la qabto doorasho cusub oo lagu soo dhisayo baarlamaan iyo dawlad kale. Waxaase hadda miiska saaran in xukuumadda Farmaajo loo qaybiyo labada koox ee siyaasadda isku mari la`, waana taasi arinta uu Farmaajo ugu baqoolay Kampala si asagana looga dhaadhiciyo. Waxaan shaki ku jirin in Farmaajo uu asna qaadici doono soojeedinta ah in awood qaybsi lagu saleeyo xukuumadda oo horjoogaha u yahay.

 

Beesha caalamka ma dooneyso in la rido xukuumadani cusub hormarka xaga dagaalada laga sameeyey darteed, mana dooneyso in ay ka xanaajiso Shariif Xassan oo ay xitaa suurogaltahay in uu Puntland ula wareego baarlamaanka taasoo keeni karta qalalaase aqoonsiga dublamaasiyadeed.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa socda oo dhan waxa ay u muuqdaan wax aan dalka iyo dadka midna dan ugu jirin.

 

KismaayoNews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this