Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland's first lady visits togdheer and saaxil region.

Recommended Posts

Wefti Marwadda Koowaad Ee Somaliland Hoggaaminaysay Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Burco

June 5th, 2011

 

Burco(Somaliland.Org) – Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina-weris Sh.Maxmed Jirdde iyo xubno Wasiiro ah ayaa galabta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

 

Marwada koowaad ee Somaliland iyo weftiga Wasiiradda ahi ee

booqashadda ku tagay magaaladda Burco ayaa waxa si weyn u soo

dhaweeyay Haweenweynaha Gobolka Togdheer, gaar ahaan Ururka Haweenka Qaranka ee Now, Maamulka Gobolka iyo kan degmada Burco, saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan. Kuwaasoo kaga hor yimi, sidda warku sheegay agagaarka Degmada Qoyta oo 20-Km u jirta Magaalada Burco.

 

Weftigan marwada koowad ee Somaliland hor kacaysay waxaa xubno ka ah Wasiirka Wasaradda Waxbarashada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir xigeenka Wasaaradda Caafimadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, iyo Maareeyaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada Marwo Amina Maxmud Diiriye.

 

Marwada koowad ee Somaliland iyo Weftiga ay hogaaminaysay ayaa loo

galbiyey Dhinaca Hotel City plaza ee Magaalada Burco.

 

Marwada koowad ee Dalka ayaa saxaafadda kula hadashay Hotel city

plaza ee magaalada Burco,waxayna aad ugu mahadcelisay maamulka

gobolka, kan degmada iyo dhammaan Haweenkii iyo Shacabkii Gobolka

Togdheer ee soo dhoweynteeda ka qaybqaatay.

 

Marwaddu waxay socdaalkeeda ku sheegtay inuu la xidhiidho sidii ay u dhagax dhigi lahayd dhisme loo sameynayo xarunta carruurta agoomaha magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Ka hor socddaalka Burco, Marwo Aamina Weris iyo weftiga Wasiiradda ahi waxaa sii mareen magaaladda Berbera maanta oo ay kaga qayb-galleen Xuskii maalinta Deegaanka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marwada Koowaad Ee Somaliland Oo Dhagax dhigtay Xarun Lagu daryeelayo Agoomaha Burco

 

June 6th, 2011

 

Burco (Somaliland.Org)- Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde iyo wefti ay hoggaaminaysay ayaa maanta dhagax dhigtay dhismaha xarun lagu daryeeli doono carruurta agoomaha magaalada, kaasi oo laga binaynayo xaafada Aadan Saleebaan ee magaalada Burco,

“Waxaan u mahad naqayaa dadka sharfta leh ee Maanta halkan isugu yimi ee aan ku dhagax dhigayo Xaruuntii Agoomaha ee Gobolka Togdheer oo aan rajanayo in ay noqon doonto goob ay mustaqbalka caruurta Agoonta ah ee ku barbaartaa ay noqon doo naan kuwo mustaqbal wanaagsan hela Waxaanan ILAAHAY ka baryayaa in uu dhamaystir wanaagsan inoogu dhameeyo hirgalinta xaruntan oo baahi weyn loo qabo,”ayay tidhi Marwada koowaad ee Somaliland oo ka hadashay dhagax dhiga xaruntaasi.

Sidoo kale Marwo Aamino Weris ku Sugnayd Xaafada Aadan salebaan ee Magaalada Burco waxay goob fagaare ah kala hadashay dadka dan’yarta ah ee k u nool Xafadaasi waxaynaha uga mahad celisay soo dhaweynta ay u sameyeen.

.

“Waxaan idiinka mahad naqayaa soo dhaweynta wanaagsan ee aad ii samayseen waxaanan Maanta halkan ka dhagax dhigay Xarun jaar idinla noqon doonta oo hoyna u noqon doonta Agoomaha Gobolka Togdheer Waxaanan ku ogahay Xaafadiinan Aadan Salebaan mid Daryeeli Agoomahaasi codsigiina ku saabsan dhul yarida idin haysatana waxaan ugudbin doonaa maamulka Dawlada Hoose ee Burco.”

 

Geesta kale Xaflad balaadhan oo xalay Marwda Madaxweynaha Somaliland iyo weftigii ay hoggaaminaysay loogu Sameeyay Hotel Barwaaqo ee Magaalada Burco, waxaana ka soo qeyb gashay madashaasi maamulka Gobolka Togdheer,Kan Degmada Burco,Gudiga horumarinta ee Gobolka Togdheer,Saladiin Cuqaal,Abwaano,qurba jog,Ururada Haweenka iyo Dadweyne kale oo badan.waxaana xafladaasi nuxurkeedu ahaa in dhaqaalaha ku baxaya xaruntan agoomaha looga qeyb qaadan lahaa.

 

Duqa Degmada Burco Maxamuud Axmed Xasan, ayaa Cadeeyay in in ka Dawlad Hoose ahaan ay ku deeqeen lixdan baloodh oo kamid ah Boqolka baloodh ee Laga hirgalinyo dhiskan Agoomaha halka Afartanka kalena ay ku deeqeen Ilma Cabdale Qawracane.

Canab Cilmi Gaas oo iyana ku hadlaysay Ururada Afka qurba joogta Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ururada sida gaarka ah u hirgalinaya Xaruuntan Agoomaha ayaa Qeexday in qurba jog ahaan ay yagleelida Xaruuntan ay door muhiima ka ciyaari donaan waxayna Marwada madaxweynaha Somaliland Mahad Naq balaadhan ugu soo jeedisay ka qayb galga Dhagax dhiga goobtani waxaanay Canab ugu baaqday Qurba joogta Somaliland in ay ka qayb qataan hawlaha dhismaha iyo horumarinta Dalka.

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan, Xildhibaan Cali ********, Gudoomiyaha Gobolk Togdheer Yasiin muxumed Cabdi, Gudoomiyaha Gudiga Horumarinta Gobolka Togdheer, Maxamuud Aadan Dheri ,Suldaan Maxamuud Guleed,Abwaan Cismaan Ibraahim Warsame”Hure Walanwal” iyo marti sharaf badan oo kale oo ka hadlay Munaasibadani Dumarka Qurba joogta ah ee Somaliland doorkooda ku aadan ka qayb qaadashada horumarinta Dalka iyagoo dhanka kalena ugu baaqay Ganacsatada iyo bulushada in ay ka qaybqataan dhamaystirka Xaruuntan la Dhagax dhigay.

 

Ugu Danabyntii Waxaa Habeenkii xalay ahaa halkaasi Qadhaan ku aadan Hirgalinta Xaruuntan ka ga dhawaaqay Marwada Madaxweynaha Somaliland marwo Aamina Weris Sh.Maxamed Jirde iyadoo ku dhawaaqaday lacag qadarkeedu dhan yahay Saddex kun oo Dolar(3000$),Xildhibaan Cali Xasan (*********) iyo laba kamid ah qurba jooga ayaa ku dhawaqay lacag gaadhaysa saddex kun oo dolar.

 

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Samsam Cabdi Aadan,Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan,Mareeyaha Xafiiska Samafalka ee Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye iyo Xubno ka tirsan Ururada Najax Relief iyo Horseed Kalkaal oo ah qurba joogta Somaliland ee dalka Ingiriiska kuwaasi oo iyagu gacan ka geysanaya dhaqaalaha ku baxaya xaruntan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this