Sign in to follow this  
OdaySomali

Galmudug oo ugu baaqay Pland iyo Sland iney dagaalada u dhexeeya ay Joojiyaan

Recommended Posts

Gaalkacyo-hobyonet)Wasiir kuxigeenka wasaarada warfaafinta ahna afhayeenka maamulka galmudug axmed maxamuud xasan (axmed baasto) ayaa ugu baaqay maamulada puntland iyo somaliland iney joojiyaan dagaalada u dhexeeya.

 

 

Axmed baasto oo u wararmayey warbaahinta gudaha ayaa sheegay iney ka xunyihiin dagaalada kasoo cusboonaaday tukaraq islamarkaana ay ugu baaqayaan iney xabada si sharuud la,aan ah ku joojiyaan maamulada puntland iyo somaliland, ayna fiiriyaan waxa ay maslaxadu ku jirto maadaama buu yiri laga daalay dagaal sokeeye mudo 20sano ah.

 

 

Dhinaca kale afhayeenka Maamulka Galmudug ayaa ugu baaqay dhinacyada Soomaalida iney ka qeyb galaan shirka 12 june lafilayo inoo ka dhaco magaalada muqdisho,isagoo sheegay in looga baahan yahay maamulada dalka kajira iney ka fakaraan xalka soomaaliya.

 

 

Ugu danbeyn afhayeenka ayaa sheegay in ergo ka socota Maamulka Galmudug ay tagi doonaan shirka 12 June lagu wado inuu ka furmo magaalada muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this