Sign in to follow this  
OdaySomali

Puntland oo Gudi U saartay Difaaca iyo Dhaqaalaha Dawlada

Recommended Posts

Puntland oo Gudi U saartay Difaaca iyo Dhaqaalaha Dawlada

 

Caalami.com

 

Dowladda Puntland ayaa maanta sheegtay inay magacwaday gudi ka kooban difaaca iyo dhaqaalaha Puntland kuwaasi oo isugu jirta wasiiro iyo saraakiil katirsan maamulka Puntland.

 

 

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax oo maanta ka hadlay munaabsad ka dhacday magaalada Boosaaso,ayaa waxaa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin soo food saartay maamulka Puntland oo ay ka mid tahay dagaalka buuraha Galgala,xaalado soo foodsaartay gobolada Sool iyo Mudug,waxaana uu sheegay sidaasi darteed in ganacsatada Puntland looga baahanyahay inay u istaagaan sidii ay taageero balaaran ay u siiin lahaayeen maamulka Puntland.

 

 

Waxaa uu sheegay wasiirka ganacsiga Puntland in gudiga ay dowladda Puntland u xilsaartay arimaha difaaca iyo dhaqaalaha Puntland inay kala yihiin:

 

 

Wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac Gudoomiye

 

 

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Gen Cabdulahi Axmed Jaamac Ilka Jiir

 

 

 

Wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac

iyo sarkaal katirsan laamaha amniga ee dowladda Puntland.

 

 

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda ay maalinta bari ay isugu yeeri doonto 34-xubnood oo katirsan ganacsatada Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay la kulmi doonaan wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland inkastoo uusan si rasmi ah u sheegin waxa kulankaasi ay la qaadanayaan ganacsatada looga hadli doono.

Waxaa uu ugu dambeyntii sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland in dowladda ay u baahantahay taagerada ganacsatada ee difaaca Puntland,isagoona sheegay inay jiraan canshuur ay bixiyaan ganacsatada taasi oo uu sheegay inay dowladda ay ku bixiso mushaarka ciidamada oo uu sheegay inay u joogaan sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka iyo dadwaynaha Puntland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wasiirka Ganacsiga Puntland:Ganacsatooy dalka xaaladiisa ka war haya

 

 

 

Wasiirka-Ganacsiga1.jpg

 

 

 

Wasiirka Ganacisga iyo Warshadaha Puntland Mudane Xassan Faarax Jaamac ayaa ugu baaqay ganacsatada Puntland in ay ka shaqeeyaan nabadgalyada isla markaana gacan siiyaan Dowlada.

 

 

Isagoo khudbad ka jeedinaayay munaasabad ka dhacdey Xarunta rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ee magaalada Bosaaso ayuu sheegay in Dowlada Puntland ay magacawday guddi la magacbaxay difaaca iyo dhaqaalaha Puntland,guddigaas oo xubno ka yihin Wasiirada kala ah;

 

  1. Wasiirka dekaddaha iyo gaadiidka Badda Eng.Siciid Maxamed Raage
  2. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshada Xassan Faarax Jaamac
  3. Wasiirka arimaha gudaha C/laahi Axmed Jaamac ‘Ilkajiir’
  4. Wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire
  5. Wasaaradda amniga
  6. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska
”Ganacsatada waxaa jira howlo,halkaan buurihi waa la degay,Sool waad aragteen,Mudug waxbaa ka jira kuwa kalena halkan wax bay ka baaqeen.Ganacsatadu waa laf dhabarka dalka oo maalin weliba dalka ayaa loo dhinta,idinka shaqeysanaayo oo ku jira guryaha waad cabataan.marka waxaan idin soo jeedinaaya Ganacsatooy dalka xaaladiisa ka war haya”,ayuu yiri isagoo tilmaamay in Ganacsatadu ay ku marmarsiyoodaan in ay canshuurta bixiyaan balse aysan wax khasaaro ah kasoo gaarin ganacsigooda.

 

 

Wasiirka Ganacsiga ayaa xusey in ay casumeen 34-kamid ah ganacsatada kuwaas oo tegi doona Xafiiska Wasiirka dekaddaha iyo Gaadiidka Badda halkaas oo ay kula kulmi doonaan Wasiir Siciid Maxamed Raage.

 

 

Sanadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Dowlada Puntland ay ka codsatay ganacsatada in ay ka caawiyaan dagaalka ay kula jiraan xoogaga Attam,balse waxaa kasoo horjeestay dalabkaas ganacsatadii la kulantay Dowlada oo uu hogaaminaayay Madaxweyne kuxigeenka Gen.C/samad Cali Shire.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Here is Allssc's take on it:

 

Budhcadii Faroole Oo Dagaalkii Mujaahidiinta SSC SNM-ta kula Galeen Aaga Gambadhe ku Lacag Uruursanaya.

 

Wararka naga soo gaadhayaa magaalada boosaaso ayaa sheegeya in budhacada ku hadhey maamulkii la odhanjirey Puntland ay maanta ku dhawaaqeen iney sameynayaa gudi ganacsatada boosaaso lacag lagu sheegey in Puntland ay i ku difaaceyso gobalka sool.

 

Arintaa oo dadkii maqley aad ula yaabeen, sababtoo ah iyadoo la wadaa ogaa in isla maamulkaa ”Puntland” uu u hibeeyey gobalka sool cid kasta oo damacda iney xoreysana lugaha u qabanay iyaga iyo kuwo dh******te sheegta oon marnaba ogaleyn in dh*******te taladiisa gacantiisa kula soo noqdo iyagoo u arka ineysan noolaankarin hadii aan qabiil kale u talin.

 

 

Gudiga uu magaacabey maamulka budhcad badeeda ee puntland ayaa la sheegey iney ka shaqaynayaan sidii ganacsato aan waxba ogeyn shilimaadka uga furan lahaayeen dabadeed ugu qayili lahaayeey ayaa kala ah.

 

 

Wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Jaamac Gudoomiye

 

 

Wasiirka arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland Gen Cabdulahi Axmed Jaamac Ilka Jiir

 

 

Ninka dekedaha iyo gaadiidka badda Puntland Eng Saciid Maxamed Raage

 

 

Ka ganacsiga iyo warshadaha Puntland Xasan Faarax Jaamac

 

 

iyo sarkaal katirsan laamaha amniga ee Puntland, oon magaciisa la cadeyn.

 

 

Nimankan ayaa sheegay in dowladda ay maalinta bari ay isugu yeeri doonto 34-xubnood oo katirsan ganacsatada Puntland kuwaasi oo uu sheegay inay la kulmi doonaan wasiirka dekedaha iyo gaadiidka badda ee Puntland inkastoo uusan si rasmi ah u sheegin waxa kulankaasi ay la qaadanayaan ganacsatada looga hadli doono.

 

 

Waxaa uu ugu dambeyntii sheegay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Puntland in dowladda ay u baahantahay taagerada ganacsatada ee difaaca Puntland, isagoona sheegay inay jiraan canshuur ay bixiyaan ganacsatada taasi oo uu sheegay inay dowladda ay ku bixiso mushaarka ciidamada oo uu sheegay inay u joogaan jiidaha gobolka Sool sidii ay u difaaci lahaayeen shacabka iyo dadwaynaha Puntland.

Cismaan Qandala. Garoowe,Boosaaso.

Allssc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

I suppose so sxb but I don't think the Pland initiative is exclusively concerned with SSC. From what I understood the Pland gov. is saying the the bus. comm. need to pay their taxes + more if possible to support the government in the many security operations.

 

”Ganacsatada waxaa jira howlo,halkaan buurihi waa la degay,Sool waad aragteen,Mudug waxbaa ka jira, kuwa kalena halkan wax bay ka baaqeen.Ganacsatadu waa laf dhabarka dalka oo maalin weliba dalka ayaa loo dhinta,idinka shaqeysanaayo oo ku jira guryaha waad cabataan.marka waxaan idin soo jeedinaaya Ganacsatooy dalka xaaladiisa ka war haya”,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Anigu fikirkayga qof ahaaneed business community-iga masuuliyad baa ka saaran horumarinta marba deegaanka ay ku noolyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think paying taxes is fine but more than that politics and business should not be mixed and we have done well to keep keep our private sector just that. There is a danger that we will see the politicisation of business which will be of no benefit.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

Waa wax aad iyo aad u adag in la kala saaro balse to make an effort of their independence from each other is something I wouldn't disagree.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this