Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Garowe leader Faroole visits Ethiopia to celebrate two decades of Meles rule.

Recommended Posts

Madaxwaynaha Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sugan Itoobiya

 

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole iyo wafdi uu horkacyo ayaa gaaray magaalada Addis ababada ee xarunta dalka Itoobiya,halkaasi oo ay kulamo kula leeyihiin masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya.

 

Wafdiga madaxwaynaha Puntland oo ay ka mid yihiin wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo maamul wanaaga iyo gudoomiyaha maxkmadda sare ee Puntland ayaa waxaa ay ka soo ambabaxeen magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya,halkaasi oo ay dhowaan kaga qaybgaleen kulankii Golaha Amaanka ee QM ee looga hadlayay arimaha Somaliya.

 

Safarka madaxwaynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku saabsan tahay kulamo uu la qaadanayo masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya oo ay kawada hadlayaan xiriirka ka dhaxeeya maamulka Puntland iyo dowladda Itoobiya iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen arimaha amaanka iyo ganacsiga ka dhaxeeya labada dhinac.

 

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa la sheegayaa inay kulamo la leeyihiin masuuliyiinta wasaaradda arimaha dibadda ee dalkaasi Itoobiya,waxaana lagu wadaa in madaxwaynaha iyo wafdigiisa dhowaan dib ugu soo laabtay deegaanada Puntland.

 

Madaxwaynaha iyo wafdigiisa ayaa dhowaan ka qaybgalay kulankii Golaha Amaanka uu la qaatay dhinacyada Somaliya,iyadoo wafdiga Puntland ay sheegeen inay si gaar ah ula kulmeen wafdiga Golaha Amaan ee QM islamarkaana ay kawada hadleen xaaladda Somaliya.

 

Isku soo wada duuboo lama oga inta maalin uu qaadan doono safarka madaxwaynaha Puntland iyo wafdigiisa ay ku joogaana magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya iyo Midowga Afrika,iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ay masuuliyiinta Puntland gaaraan magaalada Addis Ababa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe leader Faroole visits Ethiopia to celebrate two decades of Meles rule

 

Safarka madaxwaynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa la sheegay inay ku saabsan tahay kulamo uu la qaadanayo masuuliyiin katirsan dowladda Itoobiya

:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Mamuul Goboleedka puntland Cabdiraxmaan Shikh Maxammad faroole ayaa u anba baxay magaalada adis ababa ee dalka Itoobiya , isago sida la sheegey warqad casumaad ah ka hellay Masuuliyinta dalkaas.

 

Madaxweyne faroole ayaa waxa safarkiisa ku weheliyo xubno ka tirsan golaha Xukuumada mamuulka puntland oo u ka mid yahay wasiirka arimaha gudaha waxan sidoo kale la socda madaxweynaha Gudoomiyaha maxkamada sare eeh Puntland.

 

Madaxweynaha Puntland ayaa lagu waramaya inu ka qeyb gali doono xaflad loogu dabaal degeyo labaatan guuradi ka so wareegtay

marki uu raisal wasaaraha Ethiopia Meles sanawi xilka ka tuuray Mengistu xayle maryam.Madaxwynuhu inta uusan u anbabixin. magaalada adis ababa ayaa lugu so waramaya in ay is arkeen Masuuliyiin ka tirsan dawlada kenya iyo waliba xubno ka tirsan dowlada dhexe eh Somalia oo marka dhinac laga eego ay isku dha dhaw yihin dhinaca siyasada.

 

 

Si kastaba ha ahaaato lama oga wax yaabaha ay ka wada hadli doona waftiga ka socda Puntland eeh u horkacayo Madaxweyne faroole laakin waxa xusid mudan in cabdiraxmaan shikh maxammad faroole bilihi danbe u waday olale siyasadeed oo ka dhan ah Dawlada dhexe eeh hada ka jirta Somalia waxa lagu tiriya faroole inu uu yahay siyaasiyiinta sida weyn ugu ololeeyanaya in aan wakhti danbe la siin dawlada uu hogaaminayo Madaxweyne Sharif Axmed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this