Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Djibouti delegation arrived in Hargeisa to celebrate Somaliland statehood anniversary.

Recommended Posts

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo wefti balaadhan u soo diray Xuska 18 ka May ee Madax banaanida Somaliland

 

Hargeysa(Waaheen) Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa wefti balaadhan oo goob joog ka noqda u soo diray munaasibada sanad guurada 20-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii Madax banaanida Somaliland oo maalinta bari ah si weyn looga xusayo dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

 

Weftigan ka socda dalka Jabuuti waxa Hoggaaminaya Wasiirkii hore ee Gaashaan dhiga Jabuuti Aougure Kisle, waxaana xubno ka ah Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Jabuuti Jaamac Maxamuud Xayd, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Jabuuti Iyo Ganacsato reer Jabuuti ah.

 

Weftigan waxa madaarka Magaalada Hargeysa ku qaabilay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, waxaanu xukuumadda jabuuti uga mahad celiyay weftigan ay u soo dirtay inay ka qeyb galaan sanad guurada 20-aad ee dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wefti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Wasiirkii Hore Ee Gaashaandhiga Dawladda Djabuuti Oo Galabta Soo Gaadhay Caasimadda Hargeysa, Si Ay Barri Uga Qayb-galaan Xuska 20-guurada Madax-banaanida Somaliland.

 

Hargeysa (Ramaas) May 17,0211 – Wefti uu hogaaminayo wasiirkii hore ee gaashaandhiga dawladda jamhuuriyadda Djabuuti oo ka qayb-galaya xuska sanad-guuradda 20-aad ee ka soo wareegtay madax-banaanida Somaliland ayaa galinkii dambe ee maanta ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

 

Weftigan uu hogaaminayay wasiirkii hore ee difaaca Djabuuti Md Ugure Gifle Axmed oo ay ka mid yihiin ganacsato, xildhibaano iyo guddoomiyaha baanka Djabuuti ayaa waxa madaarka diyaaradaha ku soo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland oo uu horkacayay wasiirka arimaha dibada Somaliland Md Maxamed Cabdilaahi Cumar.

 

Weftigan oo hadda la dejiyey huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, ayaa ka hor intii aanay ka soo bixin madaarka waxa ay u warameen warbaahinta dalka, waxayna sheegeen in ujeedada ay Somaliland u yimaadeen tahay sidii ay uga qayb-gali lahaayeen xuska sanad-guurada 20-aad ee madax-banaanida Somaliland oo ku beegan maalinta barri ah 18-ka bisha May.

 

Wasiirkii hore ee gaashaandhiga Djabuuti Mr Ugure Gifle Axmed oo isagu ah hogaamiyaha weftiga reer Djabuuti ayaa sheegay inay Somaliland ku yimaadeen marti-qaad rasmi ah oo Madaxwaynaha Somalilad u diray Madaxwaynaha Djabuuti Md Ismaaciil Cumar Geelle, isla-markaana Madaxwayne Geelle iyagga oo soo wakiishay inay ka qayb-galaan xuska 18-ka May.

 

Weftigan reer Djabuuti ee maanta galinkii dambe ka soo degay madaarka Hargeysa, oo si rasmi ah uga qayb-gali doona xuska, ayaa waxa ay yihiin weftigii ugu horeeyay ee ka socda wadamada jaarka la ah Somaliland ilaa hadda soo gaadha caasimadda Hargeysa inta la og-yahay, iyadda oo la filayo in dalalka Kenya iyo Itoobiya-na wufuud u soo diraan xafladda xuska 18-ka May oo Somaliland sanadkan looga xusayo si aan hore loo arag, ila-markaana sanadkan hal ku dhig looga dhigay (ICTIRAAF), kaas oo bulshadda Somaliland meel ay joogaanba beesha caalamka kaga dalban doonaan aqoonsi, maadaama oo ay muddo 20 sanadood ah ku naaloonayeen nabadgalyo iyo horumar muuqda oo guud ahaan beesha caalamku ka makhraati kacday.

 

Ramaasnews Desk

 

Hargeisa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this