Sign in to follow this  
Saalax

Amaanka Magaalada Laascaanood Oo Aad Loo Adkeeyay Iyo Ciidamada Qaranka Oo Fadhiisimooyin Cusub Ka S

Recommended Posts

Saalax   

Amaanka Magaalada Laascaanood Oo Aad Loo Adkeeyay Iyo Ciidamada Qaranka Oo Fadhiisimooyin Cusub Ka Samaystay Goobo Ka Mida Magaalada + Aragtida Shacabka

 

Laascaanood (Ramaas) May 16, 2011- Amaanka Magaalo madaxda caasimada gobolka Sool ee Laascaanood, ayaa aad loo adkeeyay si loogu hortago rabshado ka dhaca halkaas intii lagu guda jira xuska 18-ka May, iyada oo xalay ilaa saaka Magaalada lagu arkayay ciidamo ka tirsan milatariga Somaliland oo baabuurta gaashaaman ku dhexmaraya xaafada Magaaladaas.

 

Ciidamado waxa ay saddex saldhig ka samaysteen goobo ay ka mid yihiin dugsiga boodhinka ah oo ku yaala Bariga , dhismaha cusub ee jaamacada Nugaal iyo Koonfurta Magaalada, iyaga oo askartan ku jira heegan sare si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada ay wadaan kooxaha wax weerara oo dilal qaraxyo sababay dhimasho iyo dhaawacyo ka fuliyay Laascaanood.

 

Saldhigyada ay ciidanka qaranku samaysteen goobaha muhiimka ah ee Magaalada Laascaanooda ayaa lagu xoojinayaa amniga shacabka oo ka wer-wersan shaqaaqooyin masiiba horseeda oo dhaca dabaaldega xuska 18-ka May oo la rajaynayo in ay isu soo baxaan kumanaan qof oo xusaya maalintaas, laakiin dadweynaha ayaa ku kala qaysan arrintan iyada oo dadka qaar ay qabaan in aan loo baahnayn ciidamo milatariya oo la keeno Magaalada, maadaama oo ay taasi argagax ku abuuri karto shacabka, halka ay qaar kalen leeyihiin in ay talaabadani yarayn doonto dhiiga daadanaya oo yax-yax ku beeray maskaxda dadweynaha oo doonayo in ay arkaan rabshadaha oo mar uun la soo afjaro.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this