Sign in to follow this  
Liqaye

Sheekh Atam iyo Ciidankiisa oo Buuraleyda Galgala Gacanta kudhigay

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka laga helayo Deegaanka Galgalo ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxaay sheegayaan in halkaasi dagaal ku dhax maray Ciidamada Dowlad Goboleedka Puntland iyo Ciidamo ka amar qaato Hogaamiyaha xiriirka laleh shabaabka ee Sheekh Atam.

 

Weerarkaani oo ahaa sida la sheegay mid ay soo abaabuleen kooxda sheikh atam ayaa qasaaro xoogani waxa lagu gaarsiiyay ciidamada Puntland iyadoo lagaga dilay dagaalkani shan askari iyo laba dhaawac ah sida uu warbaahitna u xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan dowlada Puntland.

 

Weerarkaani ayaa ahaa sida la sheegay mid gaadmo ah oo puntland aysan ka warheyn balse cidianka sheikh atam ayaa umuuqday iney guulo ka gaareen dagaalkooda kudhufow ka dhaqaaqda ahaa waxana muran badan ka taagan yahay cida iminka gacanta uheyso Buuraleyda galgalo oo iminka uqaab eg buurihi Afgaanistaan.

 

Wasiirka Amniga Puntland Gen.Yuusuf Axmed Khayr ayaa BBC Usheegay in qasaaro loo geestay ciidamadooda oo ay ka mid tahay dhimashada 5 Askari, dhaawaca 2 Askari iyo baabuur la gubay, wuxuuna dhankooda sheegay in ay gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay khasaare xoogan oo ay dileen in ka badan 21 qof.

 

Gen. Yuusuf, oo u waramayay Laanta Af-soomaliga ee BBC oo waydiisay sida ay u ogaanwaayeen weerarkan xoogan ee lagu qaaday ciidankooda ayaa wuxuu sheegay in dagaalku uu ka dhacay deegaamo buuralay ah sidaasna darteedna ay sahlan tahay in si fudud ciidankooda loo waxyeeleeyo amaba la gaado, ayna ka xun yihiin in ay ogaan waayaan weerarkan, wuxuuna intaas ku daray in dadka wax soo weeraray aysan ka badnayn 30 qof waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this