Sign in to follow this  
Somalina

This is my land! noooooooh, it is Siilaanyoos!

Recommended Posts

Somalina   

May 10, 2011

Hargeysa, (Qaran news)- Ciidamada milatariga oo kaashaanaaya qaybo ka mid ah ciidanka Booliska ayaa maanta weerar ku qaaday dhul ka kooban sadex beerood oo ay deganaayeen qoysaskii lahaa ilaa iyo kontonkii sanadood ee ugu danbeeyay, dhulkaasi ama beerhaasi oo ku yaala bariga magaalada Hargeysa, ciidamadani oo adeegsanaayay awood xoogan oo uu amarkeeda uu soo bixiyay taliyaha ciidanka qaranka Somaliland mudane Nuux Taani.

 

Beerahani ayaa uu taliyaha ciidanka qaranku ku tilmaamay in ay yihiin dhul ay ciidanka qaranku leeyihiin, waxana ay wararku sheegayaan in dhulkaasi oo ay dadkaasi masaakiinta ahi ay lahaayeen tan iyo intii uu ingriisku uu maamuli jiray Somaliland oo ay deganaayeen halkaasi, ayaa ciidanka qaranku ay maanta ku soo qaadeen weerar qaawan, taasi oo dadkii deegaanka ahaana ay qoryo soo qaateen isla markaasina ay difaac ka galeen dhulkii la lahaa ka guura.

 

Dhanka ciidanka waxa kaga dhaawacmay hal sarkaal oo ay bawdayada xabadi kaga dhacday, bawdayada xaga ciidanka qaranku ay 2 nin qay si xun u garaaceen oo ay mayd ahaan uga tageen, sarkaalkaasi iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay ayaa lagu magacaabaa Jamaal Gaalolaaye waxa aanu ka tirsanyahay ciidanka koob iyo tobnaad ee ciidanka qaranka, sarkaalkani ayaa lagu daawaynayaa cisbatalka magaalada Hargaysa

 

Sidoo kale weerarkani waxa maanta hogaaminaayay sarkaal ka tirsan ciidanka qaranka oo la yidhaa Doolaal oo ka amar haystay tay taliyaha ciidanka qaranka, Nuux Taani, oo sheegay in sadexdaas beerood ee qoysaskaasi ay lahaayeen laga dareeriyo.

 

Rabshadahani maanta dhex maray ciidanka qaranka iyo dadkii deegaankaasi deganaa ayaa waxa xoojin soo saaray ciidanka booliska oo qabtay 3 nin iyo **** xdoodii qori, rabshadaha oo iskood u yaraaday markii ciidankii malatariga aagaasi maanta laga saaray ayaa waxa ilaa caawa soo badanaayay ciidamo aad u tiro badan oo ay dadka deegaanku soo dhoobeen aagii beerahaasi iyo dhanka dooxa oo ay caawa aad ugu soo qul qulayaan, waxa ayna soo qaateen hub aad u tiro badan iyada oo xaga miyigana ay ka soo dhacayaan gurmadyo hor lihi.

 

Wax garadka iyo aqoonyahanka ka soo jeeda bariga Hargysa, ayaa caawa canbaareeyay arintani foosha xun, waxana ay arintani u eegtahay mid keenaysa iska hor imaad lagu hoobto hadii ayna xukumadu si deg deg ah ayna arintani wax uga qaban.

 

Dadka deegaanka ayaa qaarkood ay sheegeen in aanu taliyaha ciidanku waxba u qaban sarkaal dhawaan ku dhintat gobolada bariga oo qoyskiisii laga goostay waxii ay xaqa u lahaayeen, taasi oo ay cadho weyn ugu qabaan taliska ciidanka.

 

Wararka qaar ayaa sheegaaya in taliyaha ciidanku uu dhulkani ka iibiyay ganacsade ka mid ah ganacsatada reer Somaliland, oo lagu heshiiyay lacag lagu qiyaasay 5 Boqol oo kun doolar.

 

Ilaa hada xaga xukumada iyo ciidanka qaranka midkoodana wax war ahi kama soo baxin, hase ahaatee arintani waxa ay abuurtay dareen xoogan oo laga qabay xisbiga Kulmiye hadii uu talada dalka ku guulaysto, in uu bilaabi doono iska hor imaad sokeeye.

 

Waxana laga cabsi qabaa in ay maalinta bari ah ay xukumadu goobtaasi gayso ciidan xoogan, taasi oo ay wararku sheegayaan in wasaarada gaashaandhigu ay amartay in raga hubka haysta lagu sameeyo hub ka dhigis, sidoo kale dadka deegaanka ayaa sheeganaaya cudud ay iskaga difaaci doonaan gardarada iyo dhul boobka, waxana ay sheegeen in tani ay tahay mid indho laan ah oo aan geedna loogu soo gaban, waxana ay sheegeen in ay ku dhiman doonaan goobtii ay ku dhasheen oo ayna deegaanka iyagu meel kale kaga imanin, ciidanka deegaanka ee meesha ku soo qul qulaaya ayaa sii kordhaaya iyada oo dhalinyaradii magaalada joogtay qaarkoodna ay ku biireen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this