Sign in to follow this  
General Duke

Suggestions for securing Puntland State of Somalia from the evil doers..

Recommended Posts

Qaar kamid ah khubarada amniga ee Soomaaliyeed ayaa ugu baaqaya dowlada Puntland inay sameyso:

 

1- Ciidamo dharcad ah oo lagu xoojiyo kuwa Booliiska.

 

2- In diiwaangelin lagu sameeyo isu socodka magaalooyinka waaweyn ee Puntland lana ogaado dhaq dhaqaaqa gaadiidka iyo shacabka, taasi oo lagu xakameyn karo qorshayaasha kala duwan ee amniga khatarta lagu gelinayo ee ka socda magaalooyinka waaweyn.

 

3- In dowlada ay wax ka qabato maleeshiyaadka hubeysan ee gobalada ku sugan si looga hortago in dilalka ay isu bedaal dagaalo qabaa’il.

 

4- In nabadoonada kaalintooda ka soo baxaan awoodna u yeeshaan inay xakameeyaan dhalinyarada dowladana gacan kasiiyaan sidii loo soo qaban lahaa dadka dilalka geysta.

 

5- Culumaa’udiinka inay kordhiyaan wacyi gelinta shacabka iyo dhowrista amniga.

 

6- In siyaasiyiinta ka soo horjeeda Dowlada Puntland ee u dhashay deegaanada Puntland ay ayaguna si cad isaga fogeeyaan colaada deegaanada laga abuurayo taageeraana in amniga dhowristiisa ay lama huraan tahay, dowladana kala shaqeeyaan sidii xaalada loo dajin lahaa.

 

7- In kalsooni la gasho ciidamada Amniga oo loo sharciyeeyo inay adeegsan karaan awood ciidan, ayadoo wakhtigan ay askarta dowlada ka baqayaan inay tilaabo qaadaan kadibna beesha uu askariga ka dhashay loo qabsado wixii dhibaato ah oo hawlgalkaasi ka yimaada.

 

8- In saraakiisha ciidamada hogaamiya ee magaalooyinka iyo xaafadaha si joogto ah lagula xisaabtamo wax qabadkooda iyo falalka ka dhaca deegaanada ay qaabilsan yihiin inay amnigooda sugaan.

 

9- In xarumaha ay shacabka isugu yimaadaan la geeyo lagana sameeyo xarumo ciidan oo halkaasi isha ku haya, sida suuqyada waaweyn, iyo xarumaha xaafadaha magaalooyinka waaweyn.

 

10- In dowlada Puntland ay sare u qaado dhaqaalaha ay hada ku bixiso ciidamada amniga oo si weyn loo dhaliilay in ay hada aad uga yartahay hawsha taal magaalooyinka waaweyn sida Bosaaso iyo Gaalkacyo, waxna lagu daro saldhiyada hada shaqeeya oo aan kabi Karin baahida amni iyo baaxada ay magaalooyinkaasi leeyihiin.

 

11- In dowlada aysan qarsoodi ka dhigin xogta ay ciidamada sirdoonka ama amniga ay helaan oo ay shacabka usoo bandhigaan si dowlada gacan looga siiyo ka hortagida dadka caqabada ku ah amniga gobalka.

 

12- Waxaana ayaduna laga maarmaan ah in la fuliyo Qisaasta dadka lagu helo dilalka oo ay maxkamada xukunto, ayadoo ay jiraan dad badan oo dil lagu xukumay balse xabsiyada weli lagu hayo oo aan lagu fulin xukunkii maxkamada.

 

13- In xaduud rasmi ah loo sameeyo Puntland gaar ahaan magaalada Gaalkacyo si lagu kala ogaado meesha ay amnigeeda sugayaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

 

Hussein Farah

Horseed Media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this