Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

TFG defence Minister and Ethiopian Military officers visit luuq.

Recommended Posts

Wasiirka Gaashaan dhiga iyo Itoobiyaan ah oo booqasho ku tegay degmada Luuq.

19. April 2011

 

 

Luuq(AllPuntland)-Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Addis Ababa iyo Saraakiil kale oo ay ka mid yihiin kuwo Itoobiyaan ah ayaa booqasho ku tegay degmada Luuq ee Gobolka Gedo, halkaas oo dhowaan ay la wareegeen Ciidamada Dowladda KMG.

 

Wasiirka oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweyne Shariif ee dhawaan booqday Addis Ababa ayaa safar dhulka ah maray, isagoo cagta soo mariyay deegaanada ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

 

Wasiirka Gaashaandhiga iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa kula kulmay degmada Luuq Saraakiil ka tirsan Cidamada Dowladda iyo xubno sare oo dowladda ka tirsan, waxayna ka wada hadleen xaaladihii u dambeeyay ee Gobolka, waxaana halkaasi Wasiirka Gaashaandhiga uu warbixino kaga dhageystay saraakiisha ciidamada Dowladda ee gobolka Gedo ku sugan.

 

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in kulanka qeyb ka ahaayeen Saraakiil Itoobiyaan ah oo la sheegay in Luuq ay soo gaareen, kulankaasi oo ujeedadiisa aheyd dejinta istiraatiijiyad dagaal oo kooxaha dagaalka kala soo horjeeda Dowladda ee weli ku sugan qeybo ka tirsan Gobolka.

 

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo halkaas saxaafada kula hadlay ayaa sheegay inay dar dar gelin doonaan dagaalad,a isagoo tilmaamay in Shabaab ay xoog uga saari doonaan Gobolada Koofur Galbeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this