Sign in to follow this  
Liqaye

War Deg Deg ah: Shabaabka Jowhar oo saakay bilaabay inay qafaalaan dadka ku dhaqan Degmadaasi

Recommended Posts

Liqaye   

Wararka naga soo gaaraya Degmada Jowhar ayaa sheegaya in Ciidamo Al-Shabaab ah oo dhowaan yimid Magaalada Jowhar ay saakay halkaasi ka bilaabeen Qafaal aan kala sooc laheyn, waxaana hakaday dhaqdhaqaaqii dadka ku dhaqan Magaalada Jowhar iyo kuwii imaanaayay intaba.

 

Qafaalka ay Al-Shabaab ka bilowday Degmada Jowhar ayaan la ogeyn ujeedadiisa, waxayna Ciidamada Shabaabku yihiin kuwo wata dareys cagaaran, waxayna qafaal ku bilaabeen Haweenka iyo ragga socda wadooyinka magaaladaasi.

 

Wararka ayaa sheegaya in qafaalka uu saameeyay Ardaydii iskuulaadka oo intii wadada ay ku jireen la qab qabtay, waxaana isa soo taraya dadka sida aadka ah loogu qabanayo qafaalka ay wadaan Ciidamada Shabaabka.

 

Dadka ku dhaqan Degmada Jowhar ayaa saxaafadda u sheegay in xataa Gaadiidka dadka la istaajinayay iyadoo dadka lagala degaayay , waxaana gebi ahaanba istaagay gancsigii magaalada Jowhar, iyadoo dadku xireen goobahooda ganacsiga si ay uga badbaadaan qafaalkaasi qasabka ah.

 

Ma aha markii ugu horaysay oo ay shabaabku ka qabqabtaan deegaanada ay ka taliyaan dadka ku dhaqan, waxaana jira in dadka magaalada Jowhar ay bilaabeen inay ka soo baxsadaan guryihii ay ka deganaayeen Magaalada Jowhar.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this