Sign in to follow this  
gooni

Shirka nairobi ka socda

Recommended Posts

gooni   

Nairobi (RBC) Wararka ugu dambeeya ee naga soo gaaraya madasha lagu wado in saaka uu ka furmo shirka Soomaalida loo qabanayo ee UN-ka uu qabanqaabiyey ayaa sheegaya in goor dhow uu bilaaban doono shirka.

 

Madasha shirka uu ka dhacayo oo ah hotelka Wilson ee duleedka magaalada Nairobi ayaa waxaa ku sii qulqulaya ergadii shalay soo gaartay Nairobi, waxaana la filayaa in abaare 10:00 uu bilawdo shirka oo soconaya labo maalmood.

 

Madasha shirka looma ogola inay wax saxaafad ah tagto, waxaana xalay wariyaasha loo sheegay in kulanka uu yahay mid albaabadu u xiran yihiin oo aan loo ogolaan doonin warbaahinta. Waxaana lagu wargeliyey saxaafada in wixii go’aan ah ay heli doonaan maalinta xigta ee Arbacada oo shirka lasoo gabagabeyn doono.

 

Kulamadii xalay dhacay

 

Dhanka kale waxaa tan iyo shalay markii ay ergooyinka badankood soo gaareen magaalada Nairobi socday kulamo gaar gaar ah oo ay yeelanayeen ergooyinka maamulada Puntland, Galmudug iyo wafdiga barlamaanka KMG kuwaasoo ay la yeelanayeen xubnaha safaaradaha Mareykanka, Talyaaniga, dawlada Kenya iyo Augustine Mahiga oo shirka maanta gudoominaya.

 

Wafdiga barlamaanka KMG ee uu hogaaminayo Shariif Xasan ayaa shalay illaa xalay qaabilay Mahiga, safaarada Mareykanka iyo xubno ka tirsan Midowga Afrika iyo Kenya.

 

Dhanka madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole wuxuu isaguna la kulmay si goono gooni ah safaaradaha Mareykanka, Talyaaniga iyo Mahiga oo si gaar ah ay u wada hadleen.

 

QODOBO LA ISKU MARI LA’ YAHAY

 

Waxaa xalay dhacay doodo hoose oo aad u adkaa kuwaasoo ku saleysnaa afkaaraha kala duwan ee la kala qabo, iyadoo Mahiga uu dhinac kasta ka soo qaaday wixii aragtideedaah si kulanka maanta uu u noqdo mid nidaamsan.

 

Hogaamiyaasha Puntland iyo Galmudug ayaa ku adkeysanaya in la isku raaco go’aan ku talinaya in DKMG waqtigeeda uu ku dhamaado bisha August 2011, kadibna la qabto doorasho madaxweyne iyo tan gudoonka barlamaanka. Waxayna wafdiga Puntland iyo Galmudug ku balameen in shirka maanta ay arintaasi kaga dhawaaqaan.

 

Hase yeeshee Shariif Xasan iyo wafdigii uu hogaaminayey ayaa jilbaha u dhigtay sidii ay u difaaci lahaayeen mudada saddexda sano ee uu barlamaanka ku darsaday bishii Febraayo. Shariif Xasan ayaa sidoo kale doonaya in jagooyinka dib loo soo dooranayo aan lagu darin gudoonka barlamaanka balse kaliya madaxweynaha la soo doorto.

 

Waxaa jirta fikrad kale oo la isla dhexmarayo taasoo sheegeysa in waqtiga la isku soo ururiyo isla markaana hal sano kaliya loogu daro TFG kadibna doorasho guud oo dhamaan xubnaha dawlada ah la qabto waana sida ay qabaan qaar ka mid ah xubnaha beesha caalamka ee shirka joogta.

 

Warar hoose ayaa sheegaya in Mahiga laftiisu uu fikirkaasi halka sano ah qabo uuna doonayo in hal sano kadib doorasho ka dhacdo magaalada Muqdisho.

 

Dhanka kale Wuxuu Mahiga walaac ka muujinayaa maqnaanshaha xubnaha sare ee DKMG ah isagoo xalay mar uu shir jaraaid qabtay ku sheegay inuusan shirku noqon doonin mid dhameystiran haddii xukuumada KMG ay maqan tahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this