Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Somalia: Guddoonka sare ee Ahlusunna waljamaaca oo ku gacan seyray ka qayb galka shirka Nairobi

Recommended Posts

Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Goholada dhexe ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inaysan ka qayb geli doonin shirka Nairobi, iyagoo ku tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid lagu mijo xaabinayo jiritanka Umadda Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Macalin Max’uud Sheekh Xasan oo warfidiyeenka kula hadlayey deegaanak xeraale ee ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa xusay in sababaha aysan shirkaasi uga qayb galeynin ay ka tahay, in aysan la soconin ajandaha shirka, waxaana uu intaa ku daray in ay go’aan ku gaareen in asyan ka qaybgelin shirkaasi uu garwadeenka ka yahay Augustine Mahiga ergeyga Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya.

 

Macalin Max’uud Sheekh Xasan ayaa dhanka kale ugu baaqay mas’uuliyiinta Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca in 14-ka bishaan ay kulan isugu yimaadan oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo maamulkooda quseeya kaasi oo uu tilmaamay in lagu qaban doono magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

 

Go’aaankan ay maanta Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca ay ku qaadaceen ka qayb galka shirka Nairobio ayaa imaanaya xilli qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ka istaageen mowqifkii Xukuumadda KMG Soomaaliya ay ka qaadatay shirkaasi ee ku saabsan in aysan ka qayb geli doonin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this