Sign in to follow this  
oba hiloowlow

Somalia: Maamulka Ximan iyo Xeeb oo ku gacanseyray shirka Nairobi

Recommended Posts

Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka Q/Midoobay ay sheegtay in ay ku qabaneeyso magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib kulan ay mas’uuliyiinta maamulkaasi ku yeesheen Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Cismaan Maxamed Cali oo ah la taliyaha Madaxweynaha maamulkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maamulkooda uusan ka qeyngeli doonin Shirka Q/Midoobay ku qabaneyso Nairobi, wuxuuna intaa ku daray in maamulka Ximan iyo Xeeb uu kulankaasi u arko mid lagu majaxaabinayo ummada Soomaaliyeed.

 

“Maamulka Ximan iyo Xeeb waxa uuu taageerayaa mowqifka Dowladda ee ku aadan Shirka Nairobi, sidaasi darteed kama qeybgaleeyno Shirkaasi, oo ah mid lagu jahawareerinayo ummada Soomaaliyeed”ayuu yiri Cismaan Maxamed Cali.

 

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa hore u qaadacday ka qeybgalka Shirkaasi, hadalka ka soo yeeray maamulkanna waxa uu kaabaya go’aanka Dowladda ay kaga soo horjeesatay in ay ka qeybgasho Shirkaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Ximin iyo Xeeb oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in'uusan ka qeyb gelli doonin shirka hal cisho kadib ka furmi doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya.

 

Cusmaan Maxamed Cali oo ah la-taliyaha madaxweynaha Ximin iyo Xeeb war saxaafadeed uu soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb uusan marnaba ka qeyb gelli doonin shirka hal cisho kadib lagu wado in uu ka furmo magaaladda Nairobi.

 

La-taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb uusan diyaar u yihiin ka qeyb gellida shirkaasi oo uu si weyn u cambaareeyay, isagoo intaasi ku daray wax kasta oo dhaca inaysan ka qeyb gelli doonin.

 

Sidoo kale wuxuu tibaaxay inaysan wax casuumaad ah ka hellin Qaramada Midoobe, oo ku aadan shirka ka furman raba magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, isla-markaana wuuxu sheegay inay taasi u faraxsan yihiin.

 

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Dr Augustine Mahiga in'ay u gudbiyeen waraaqo diidmo ah, oo ay ku diidayaan shirka magaaldda Nairobi ka furman doona.

 

Si kastaba ha-ahaatee waxaa isa soo tareysa maamulada sida weyn leh uga soo horjeeda shirka hal cisho kadib la-fillaayo in uu ka furmo magaaladda Nairobi ee dalka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Inta la casumey illa iminka

 

Delegations will be invited as follows:

Delegations:TFIs Presidency (4)

Transitional Federal Government (6)

Transitional Federal Parliament (10)

Regional Administrations

Puntland (4)

Galmadug (4)

Organizations

Ahlus Sunnah wal Jama’ah (4)

 

No Xiir iyo Xaab No Mareegta No Azaaniyatu Faasiqa ;););)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this