Sign in to follow this  
Liqaye

Khilaaf hor leh oo ka dhex curtay Gudoomiyaha Baarlamanka Somalia iyo mid ka mid ah ku-xigeenadiisa

Recommended Posts

Liqaye   

Waxaa soo baxay khilaaf cusub oo ka dhex curtay gudoomiyaha baarlamanka Somalia iyo mid ka mid ah ku-xigeenadiisa kaasoo gaaray iney warbaahinta isu mariyaan dheleeceyn, waxaana khilaafkaasi uu yimid ka dib markii gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamanka uu sharci daro ku tilmaamay gudiyo uu dhowaan magacaabay gudoomiyaha baarlamanka oo uu ku jiro guddiga qaban qaabada doorashooyinka madaxweynaha.

 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka Axmed Dhimbil Rooble (Casoowe) waxa uu uga hadlay arrimo fara badan, gaar ahaan waxa uu ka hadlay guddiyo dhowaan uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Shariif Sh. Aadan kaasi oo qaabilsan doorashooyinka Madaxweynaha ee Baarlamanka.

 

Waxa uu sidoo kale ka hadlay shirka wada tashiga ayna qaban qaabineyso QM kana dhici doona magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo sheegay inay jiraan dhibaatooyin ka taagan qaabka beesha caalamka iyo QM ku wadaan arrimaha dalka Soomaaliya.

 

Xildhibaan Casoowe mar uu ka hadlayay guddiga doorashada ee uu magacaabay Guddoomiyaha Baarlamaanka, waxa uu sheegay in guddiyadaasi oo ka kooban 120-ka Mudane ah ay sharci daro tahay inuu magacaabo Guddoomiyaha Baarlamaanka isagoo soo daliishay qodobo ku yaala xeer hoosaadka Baarlamanka oo qeexaya waajibaadka iyo shaqada gudoomiyaha Baarlamanka iyo ku xigeenadiisa, isagoo dhinaca kale sheegay in qaladaadka dhinaca sharciga ah ee uu ku kacayo Shariif Xasan ay yihiin kuwo sii kordhaya oo wax badana uu u soo dulqaadanayey.

 

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Baarlamaanka ayaa ka hadlay doorka beesha caalamka iyo Qaramada Midoobay ee ku aadan arrimaha dalka Soomaaliya, waxa uuna sheegay inay dalka dibadiisa kula kulmaan Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweynaha isla markaana kulamo la yeesha, hase yeeshee go'aanka ay gaaraan ayuu sheegay inay noqdaan kuwo fashil ku dhammaada.

 

"Beesha caalamka iyo QM waxay doonayaan inay ogaadaan gunta hoose ee Dowladda, waxaana ugu baaqayaa inay Golaha Baarlamaanka soo hordhigaan qorshahooda siyaasadeed" ayuu yiri Xildhibaan Casoowe oo sheegay dhinaca kale in hoggaanka xukuumadda aanay inta badan la tashiyo la sameynin Golayaasha Dowladda, taasina ay tahay caqabada ku hor gudban dadaalka beesha caalamka ku dooneyso inay dalka Soomaaliya dib ugu soo celiso amniga iyo kala dambeynta.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this