Sign in to follow this  
Liqaye

Dad ku xoolo beelay abaaraha dalka jira oo isku daldalay deegaano ka tirsan degmada Balcad

Recommended Posts

Liqaye   

Degaanka Janfalo oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaa dabayaaqadii toddobaadkan ka dhacay arrin naxdin leh, ka dib markii laba aabe oo ka mid ahaa qoysaska halkaasi degan ay is daldaleen iyagoo qoorta isaga xiray xarig kaddibna iska soo laadlaadiyay geed dheer sidaasna ay nafta uga baxday.

 

Labada nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Muuse Xasan iyo Cali Jirif ayaa iyagu meel aan sidaas uga fogeyn degaanka Janfalo waxay go'aansadeen inay gacantooda isku daldalaan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dabayaaqadii toddobaadkaan lagu aasay degaankaasi.

 

Mid ka mid ah odayaasha degaanka Janfalo ayaa ka warbixiyay arrinta labada nin ee isku daldalay degaanadaasi, waxana uu sheegay in labada nin ay leeyihiin xaas iyo caruur ay xaaladoodu tahay mid ka sii dareyso bacdamaa ay is daldaleen labadii aabe ee iyagu mas'uulka ka ahaa, wuxuuna ka codsaday dhamaanba shacabka Soomaaliyeed inay gargaar u fidiyaan caruurtaasi agoonta ah.

 

Sababta keentay inay is daldalaan Maxamed Muuse Xasan iyo Cali Jirif, ayay sheegayaan dadka degaanka kaddib markii ay ku ceyrtoobeen abaartii ugu xumeyd abid oo ku dhuftay degaanadaasi, isla markaana ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen, iyagoo u adkeysan waayay duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin qoysaskooda.

 

Degaanka Janfalo oo u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ayaa dadka degan waxay qarka u saaran yihiin inay gaajo darteed ugu geeriyoodaan, bacdamaa dadka ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen isla markaana abaaraha ka jira dartood ay ka dhasheen cudurro ku dhacay caruurta iyo dadka taagta daran, iyadoo aysan jirin ilaa hada cid gagaar u fidisay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Liqaye   

Odayaal ku ceyrtoobay abaaraha iskuna daldalay deegaan ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe

 

Degaanka Janfalo oo ka tirsan degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxaa dabayaaqadii toddobaadkan ka dhacay arrin layaab leh, kaddib markii laba aabe oo ka mid ahaa qoysaska halkaasi degan ay is daldaleen iyagoo qoorta isaga xiray xarig kaddib iska soo laadlaadiyay geed dheer sidaasna ay nafta uga baxday.

 

Labada nin oo lagu kala magacaabo Maxamed Muuse Xasan iyo Cali Jirif ayaa iyagu meel aan sidaas uga fogeyn degaanka Janfalo waxay go'aansadeen inay gacantooda isku daldalaan, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in dabayaaqadii toddobaadkaan lagu aasay degaankaasi.

 

Mid ka mid ah odayaasha degaanka Janfalo oo u waramayay shabakadaan ayaa ka warbixiyay arrinta labada nin ee isku daldalay degaanadaasi, waxa uuna sheegay in labada nin ay leeyihiin xaas iyo caruur ay xaaladoodu tahay mid ka sii dareyso bacdamaa ay is daldaleen labadii

aabe ee iyagu mas'uulka ka ahaa, wuxuuna ka codsaday dhammaanba shacabka Soomaaliyeed inay gargaar u fidiyaan caruurtaasi agoonta ah.

 

Sababta keentay inay is daldalaan Maxamed Muuse Xasan iyo Cali Jirif, ayay sheegayaan dadka degaanka kaddib markii ay ku ceyrtoobeen abaartii ugu xumeyd abid oo ku dhuftay degaanadaasi, isla markaana ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen, iyagoo u fiirsan waayay

duruufaha adag ee ay ku sugan yihiin qoysaskooda.

 

Degaanka Janfalo oo u dhaxeeya magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad ayaa dadka degan waxay qarka u saaran yihiin inay gaajo darteed ugu geeriyoodaan, bacdamaa dadka ay ka dhammaadeen xoolihii ay dhaqanayeen isla markaana abaaraha ka jira dartood ay ka dhasheen cudurro ku dhacay caruurta iyo dadka taagta daran.

 

Dhinaca kale maamulka xarakada Al-Shabaab ee degaanadaasi ka taliya, ayay sheegayaan dadka degaanka inay uga sii dareen xaaladda nololeed ee degaanka Janfalo ka jirta oo ay galaafatay abaarta kaddib markii ay dadka ka hor istaageen inay suuqa ama magaalaada Muqdisho ka soo

iibsadaan raashin iyo calaf ay siiyaan xoolaha.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this