Sign in to follow this  
Somalina

Somalia: Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo oo la kulmay Mahiga

Recommended Posts

Somalina   

Arbaco, Maarso 30, 2011 (HOL) – Wakiilka xoghayaha guud UN-ka ee arrimaha Soomaaliya dajire Augustine Mahiga iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta Muqdisho booqday iyagoo kulan looga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya iyo shir ka dhacaya Nairobi la yeeshay madaxda dalka ugu sarreysa.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada ayuu Mahiga wuxuu si gaar ah ula kulmay Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed C/llaahi Farmaajo, isagoo sidoo kalena ay is arkeen afhayeenka baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

 

Shir jaraa’id oo ay si wadarji u qabteen darjie Mahiga iyo mudane Faraamjo ayay kaga hadleen wixii kasoo baxay kulankooda, waxaana Mahiga uu sheegay in socdaalkiisa uu ahaa mid warqado casuumaad ah uu kusoo gaarsiinayay madaxda Soomaaliya si ay uga qaybgalaan shir ka dhacday Nairobi oo la isugu keenayo maamul goboleedyada dalka ka jira iyo dowladda.

 

“Waxaa wanaagsan in la fahmo inaan doonayno in dalka uu ka baxo xilliga KMG ah, waayo ummadda Soomaaliyeed waxay kusoo jirtay KMG ah muddo toddoba sano ah wax badan ayaana kaga lumay danna uguma jirto,” ayuu yiri Farmaajo oo ka hadlay shirka jaraa’id.

 

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu xusay inay kasoo horjeedaan in dalka uu ku dhaco fiqaad dowladeed ayna xukuumadu doonayso inay qabato muddada ay shaqeynayso howlo lagu sugayo ammaanka, in dowlad wanaaggii lasoo celiyo, in dastuurka la dhameystiro, in ciidamada la habeeyo iyo in dib loo dhiso magaalada.

 

Dajire Mahiga, ayaa isaguna sheegay in sababta uu Muqdisho u yimid ay tahay sidii uu warqado casuumaad ah u keeno madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha baarlamaanka, taasoo ku saabsan ajandaha shirka bishan soo socota dhammaadkeeda ka dhacaya dalka Kenya.

 

Ergayga ayaa sheegay in shirku uusan ahayn mid la mid ah shirkii dib u heshiisiinta ee Nairboi, shirkii Jabuuti ama mid looga gaarayo go’aan aayaha dalka Soomaaliya, balse uu yahay mid wadatashi, isagoo intaas ku daray in shirkan looga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo sidii ay beesha calaamku u taageeri lahayd, dowladda KMG ah iyo baarlamaankuna ay howlahooda u sii wadan lahaayeen inta uu ka dhammaanayo xilliga KMG.

 

Danjire Augustine Mahiga iyo wafdigii la socday ayaa ka dhoofay Muqdisho, iyagoo ku laabtay dalka Kenya oo ay markii hore ka yimaadeen, waxaana shirka ka dhacaya Nairobi horay loo sheegay inay kasoo qaygeli doonaan Puntland, Somaliland, Galmudug, Ahlusunna iyo DKMG ah.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this