Sign in to follow this  
Ismahaan

It brings tears to my eyes everytime I hear it.

Recommended Posts

Ismahaan   

Somalina;707363 wrote:
Somalida intaa uun baa ka maqan maanta.

 

Great thread Ismahaan. Thank you.

You are most welcome sis laakiin soomaalida awal baa abwaano hore iyo aqoon yahano ka hadleen waxa meeshaas dhigay.

Bal gabay gaan yar dhegaayso, waxaa tiriyeey abwaan Tima cade (may Allah bless his soul).

 

skip the first 4 minutes.

 

Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo idil haddaan dayey abwaankeeda

Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dixdhagaxeede

Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii hore usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda

Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso

Dadka kama yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa wayskala dhacdaa daa’in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e

Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

 

 

Ooh the kids are so cute, masha Allah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismahaan   

 

Qaan gaar fidnoobee ilmaha yaan la qabadsiine.

Qabyalad iyo imaan la'aan qooqan baay is helaye,

kumannan qariban baay dhaleen qorina heegaysan,

oo qaaxo (TB) iyo aids qaba qaadka ku ilaawey.:D

Ilaahayow u naxariiso walee run buu ka hadley.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this