Sign in to follow this  
Liqaye

Gacantii dhaqaalaha Al-Shabaab oo la jaray!

Recommended Posts

Liqaye   

27 March 2010 Waagacusub.com-Cali Bashiir oo ahaa Madaxii Maaliyadda Al-Shabaab ayaa ka mid noqday Saraakiil Maleeshiyadda Al-Shabaab looga dilay Magaaladda Dhoobleey sida ay Waagacusub.com u xaqiijiyeen eheladiisa.

 

Xeeldheerayaasha la socda dhqdhaqaaqyada dhaqaale ee Al-Shabaab ayaa geerida Cali Bashiir ku sifeeyay gacantii Al-Shabaab ee dhinaca Maaliyadda oo go-day.

Sarkaalka Cali Bashiir lagu magacaabi jiray wuxuu ganacsatada ku qoran jiray lacago baadda oo ninkii diido uu toog ku xukumi jiray.

Mudo bil ka badan dekadaha Barawe iyo Kismayo kuma xiran Maraakiibtii hore u isticmaali jirtay,waxaana muuqato in sidoo kale Al-Shabaab saameeyn ku yeelatay kacdoonada ka socda dalalka barriga dhexe iyo gacanka cadmeed.

Xooraansi la sameeyay ayaa lagu ogaaday in ganacsatadda Suuqa Bakaaro iyo horjoogayaasha Al-Shabaab si weyn isu naceen ka gadaal markii ay qaarkood musalafeen.

Hada,Tujaariintii suuqa Bakaaro ee taageeri jiray Al-Shabaab waxay noqdeen qaar ku habeensada degaanka loo barakacay ee Ceelasha biyaha halka tira yarna ay u baxsadeen dalalka Somalia la deriska sida Jibouti iyo Kenya.

Sida muuqata Ganacsigii kordhayay ee Suuqa Bakaaraha waxaa ku habsaday hoos u dhac %90 halka ay xaaladu gaartay in dadka tirada yar ee suuqa Bakaaro ka sii xamaalan lahaana la yihiin meel ay u maraan maadama dowladda labada Shariif xirtay dhamaan wadooyinka gala.

 

By Dahir Alasow

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this