Sign in to follow this  
Liqaye

Ciidama Dowlada oo loogu baaqay in aysan shacabka ku dhex qadan hub

Recommended Posts

Liqaye   

C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ah Wasiirka gaashaandhiga Xukuumada KMG Soomaaliya oo maanta sida uu sheegay kormeer ku tagay xarunta Jasiira oo ay ku suganyihiin ciidamo ka tirsan dowladda KMG ayaa waxa uu ciidamada dowladda uga digay in ay dhibaateeyaan dadka shacabka ah ee ku nool magaalada Muqdisho, isagoo shaaca ka qaaday in looga baahanyahay ciidamada in ay dadka wax u qabtaan oo aysan dhibaateyn.

 

Mr Fiqi waxa uu ugu baaqay ciidamada dowladda ee hubka ku dhex sita wadooyinka Magaalada Muqdisho in ay tagaan furumaha dagaalka oo aysan hub ku dhex qaadan degmooyinka ay dowladu gacanta ku heyso.

 

C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo ah Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka waxa uu sidoo kale ugu baaqay ciidamado in ay sii wadaan dagaalada dowladdu ay kula jirto xarakada Al Shabaab.

 

Si kastaba ha haatee baaqaani ka soo baxay wasiirka gaashaandhiga ee ku aadan in ciidamada dowladdu dadka aysan dhibaateyn ayaa ku soo beegamaya xili dowladda oo dagaal ku jirta ciidamadeeda lagu eedeeyo in dhibaatooyin kala duwan ay u geystaan dadka shacabka ah.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.com

Muqdisho-Somalia

Tel:0025261-5573321

00252699995088

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this